27th July 2024  admin  Category :

Baarlamaanka Puntland oo amray in daandasiga SNM laga hor tago . Shacabkuna u diyaar garoobaan

Kalfadhiga 40-aad ee barlamaanka Puntland ayaa maanta oo talaado ah lagasoo saaray go’aan ku saabsan inaan xuduudaha Puntland laga fulin karin doorashada maamulka Soomaaliland oo dhowaan dhacayso.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, ayaa warbaahinta u akhriyay go’aankaan oo ay taageereen illaa 30 xildhibaan oo katirsan barlamaanka Puntland.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in xukuumada Puntland laga doonayo inay ilaaliso xuduudaha oo ay ka difaacdo cid kasta oo isku dayda inay geeyso sanaadiiqda codbixinta doorashada Somaliland.

Barlamaanka Puntland ayaa sidoo kale digniin udiray maamulka Somaliland, iyagoo uga digay inay kusoo xad gudbaan xuduudaha Puntland.

Fadhiga barlamaanka ayaa lagu magacaabay guddi keena warbixinta ku aadan xuduudaha iyo guud ahaan Amniga deegaanada Puntland lagana dhagaysan doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*