7th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la xiray saraakiil lagu eedaynayo inay ciidanka kasoo saareen furimaha dagaalka.

Madaxweynuhu ma uusan sheegin tirada saraakiisha la xiray, hase yeeshee waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono.

“La isku darsanmaayo, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin la mid ma noqon doono kii iyadoo oo cadawga la hortaagan yahay soo baxay ee qorigiisa garabka saartay ee Xamar tagay ama qoriga dhexda ku gatay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxa uu sheegay in saraakiisha loo xiray dambi ay gaysteen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlayay maanta oo Talaada ah duleedka Maxaas isagoo booqanayey furimaha dagaalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu maalmaha soo socda booqan doono goobo kale oo ka mid ah furimaha dagaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*