26th March 2024  admin  Category :

Xisbiga Damuljadiid oo iibsaday  Xisbiyaddii kale ee Soomaaliyeed , Faroolena  wada hadal ayaa u socda si  reer Garoowe inta Mooryaanita a ah  oo  taageersan u keeni lahaa

Xisbi la magac baxay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) ayaa lagu wadaa in maalinta  Khamiista ah ee soo socda looga dhawaaqo magaalada Muqdisho, kaasoo uu hoggaamiye u noqon doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

 

Xisbigan ayaa waxaa ku midoobi doono kooxdii dalka hogaamin jirtay ee Damul Jadiid, Xisbigii Daljir, Kutlada Horusocod, PDP iyo Siyaasiyiin kale, waxaana xubnaha ugu firfircoon Xisbigan ka tirsan yihiin Baarlamaanka Labada Aqal.

Xisbigan ayaa durba la shaaciyay Astaanta ama Logada uu yeelanayo, iyadoo shirweyne Xisbiga uu isugu imaan doono lagu ansixinayo Dastuurka Xisbiga.

Shirweyne ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Xisbiga Daljir ayaa waxay ku shaaciyeen inay si rasmi ah ugu biirayaan midow Xisbiyo Qaran oo hal xisbi isku noqonaya, iyadoo dhaqan galkiisa uu bilaabayo maanta oo 30-ka bisha September ah.

Kooxda Damul Jadiid ee uu ka tirsanaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa garwadeen ka ah aasaaska Xi sbigan iyadoo suxul duub ugu jirta sidii ay mar kale dalka ku hogaamin lahayd.

Axdi iyo kitaabkii ninka oofin waayow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*