27th July 2024  admin  Category :

 

Mid ka mid ah 11 Xildhibaan ee la laalay oo caawa Shaahado Xildhibaan la siiyey

nuux

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa qaadacay go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka  ee ay ku laaleen labo ka mid ah kuraastii lagu doortay magaalada Jowhar, kaasoo Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal uu diiday inuu aqbalo natiijada doorashadaas oo loo maray hab aan sharci aheyn,

 

Xaflad caawa  ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 46 Xildhibaan uu ka mid yahay wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya

Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah Wasiirkii Dhalinyarada,  kana  soo jeeda Beesha Hawiye, Jiidle ayaa   ka mid ahaa 11-kii kursi oo  ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka. Laakiinse caawa xaflad ay goob joog ka ahaayeen Odayaasha beelaha Hawiye ayaa lagu gudoonsiiyey shahaadadii Xildhibaanimada

Doorashadii Sabtidii la soo dhaafay ka  dhacday magaalada Jowhar ayaa aheyd tii ugu yaabka badneyd, waxaana lagu doortay labada kursi ee harsaneyd, kuwaasoo kala ahaa Maxamed Xasan Nuux  oo 7-dii bishan Guddiga doorashooyinka ka joojiyay inuu u tartamo kursigaas iyo C/casiis Saalax Carmaan oo ka soo jeeda Beesha Carab Soomaali oo isna lagu eedeeyay in ergo aan matalin beesha uu xareystay, dabadeedna ay doorteen.

 

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa 7-dii bishan ka joojiyay Wasiir Nuux inuu u tartamo kursiga Beesha Jidle, taas bedelkeed waxay ugu baaqeen Ugaaska Beesha inuu soo xulo ergo cusub oo doorata Musharaxiin cusub.

Wasiir Nuux ayaa loo heystay inuu ku lug fowdadii ka dhacday gudaha hoolka doorashada 18-kii bishii November, waxaana is rasaaseyn ka dhalatay fowdadaas ay sababtay inay dhaawacyo illaa afar ruux oo uu ku jiro wiil uu dhalay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Beesha Caalamka ayaa horay u qaadacday doorashada Wasiir Nuux, waxayna ku tilmaameen doorasho aanay u dhicin qaab sax ah, maadaama horay Guddiga doorashooyinka go’aan uga soo saareen oo ahaa in gebi ahaanba Tartanka laga joojiyay.

nu

guddiga-khilaafaadka

 

kuaars

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*