7th September 2024  admin  Category :

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyey hoggaanka dowladda inay kala dhantaaleen mdnimada dalka sida uu hadalka u dhigay.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri” Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda. Tallaabada maanta ay qaadday Madaxtooyadu waxay fasiraad aan wanaagsanayn ka bixinaysaa qorshaha laga sugayey in ay ku wajahaan damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanku in ay dhagaha ka fureysteen baaqyada Madaxdii Hore, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka waxay caqabad ku noqonaysaa dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin. Dalkeennu maanta ma xamili karo kala ququb hor leh iyo in koox gaar ah ay ku takrifasho awoodaha dowladda”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*