26th April 2024  admin  Category :

Culusoow iyo Sariif oo caawa degay Hotel ku dhow Madaxtooyada oo ay ka abaabuli doonaan Dhoolatuska

Madaxweynayaashii hore Xasan Culusoow iyo Sheekh Shariif ayaa caawa degay Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha ay Hotelka Naasahablood 2 ka abaabulayaan bannaan baxa jimcaha, waxaana Hotelka uu ku dhow yahay Taalada Daljirkq Dahsoon oo loo balansan yahay in jimcaha uu ka dhaco bannaan baxa.

Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah labada Madaxweyne hore ayaa la wareegay ammaanka Hotelka iyo nawaaxigiisa.

Hotelka Naasahablood 2 waxaa ku dhow Bar koontarool oo Ciidanka Madaxtooyada ku leeyihiin agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Midowga Musharaxiinta ayaa horay ugu dhawaaqay bannaan bax nabadeed oo ka dhacaya Muqdisho maalinta jimcaha, kaasoo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo heshiis la’aanta doorashada.

One thought on “Culusoow iyo Shariif oo caawa degay Hotel ku dhow

  1. Jirac

    Midaharaada xaq baad u leedihiin, laakiin yaan dhiig daadan. U maleyn maayo u maleyn maayo A/Rahman Abdi shukuur kii ciyaalka ku koray guryo ayyan laheyn dadkii lahaana ku dhex aasan yihiin ku lahaay Mogadishu anaa leh barigii Farmajo isqabteen kolay dhiig waa ku daadanayaa waa shaki la’aan. Waligiin ma’aragteen isagoo ka hadlaya lacagta uu Kenya ka qaatay waa Maya tuug waa tuug waligiisna waa tuug anigu Farmajo inuu soo noqdo ma jecli lakiin kaas oo kale markaad aragto oo madaxweyne raadinaya Somalia oo dhan waxaad leedahay ilaahow maxaa kaa dhaliyey waxaas waxay chance siinayaan kuwa waxa xun ka qora Somalia sida Matt Brydan, iyo Yahuudiga Michael Rubin ee u olaoleeya beesha Isaaq. Matt Braden isagu naag Isaaq ah buu qabaa. Duff ku baxa wax dadka iyo dalka ka gadmi kara waxaa ku jira Shariif Sakiin inta kale waa Thuma walaahi oo kale.

    Reply

Leave a Reply to Jirac Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*