26th March 2024  admin  Category :

Congress-ka: Mudanayaal ku baaqay in dib loo eego xiriirka Soomaaliya iyo cunaqabateyn

WASHINGTON — Laba mudane oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay.

Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hose ee Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayey ku sheegeen qoraalkooda.

“Ficilkan waxa uu tirtirayaa hannaanka federaalka waxaana uu boqon goynayaa raadintii dimqoraadiyadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayey intaas ku dareen.

Waxay sheegeen in haddii muddo kordhintaasi ay sii socoto in dawladda Maraykanka ay dib u qiimeeyso taageerada iyo xiriirka ay la leeyahay dawlada federaalka Soomaaliya, lana tixgeliyo in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaanka dimoqraadiyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*