18th October 2024  admin  Category :

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay gaari waday lacago been abuur ah iyo dadkii waday lacagahaasi.

Hawgalkaasi ay sameeyeen ciidanku ayeey ku soo qabteen gaari nuuciisu yahay deyno oo sidday lacago been-abuur ah oo la tilmaamay in ay ahaayeen xaashiyo madoow oo Euro ah.

Gaarigaasi ayaa lagu waramay in uu  ka yimid magaalada Xaafuun ee gobolka Bari, waxaana la qabtay xilli uu soo galayey magaalada Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*