26th April 2024  admin  Category :

Ciidanka Booliska Gobolka Bari Oo Gubay Maandooriyeyaal

Ciidamada Booliiska Gobolka Bari ayaa goob fagaaro ah ku gubay maandooriye isugu jira khamri iyo xashiish oo dhawaan ay soo qabteen Ciidamada Booliska kadib markii Sabtidiii howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Bosaaso.

Sidoo kale eedeysanayaasha lagu qabtay ka ganacsiga Maandooriyahan ayay xukuno kala duwan ku riday Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari

Goobta lagu gubayay maandooriyahan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Barii, Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Gobalka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac iyo saraakiil kale.

Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkan ayaa sheegay in talaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka caadeystay isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*