26th April 2024  admin  Category :

Ciidamadii ku sugnaa qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo laga qaaday

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray howsha lagu furayo, islamarkaana ciidamada looga qaadayo qaar ka mid ah jidadkii ku xirmay qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaqangelinta heshiiskii shalay lagu gaaray Muqdisho, oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah.

Rooble ayaa tagay meel aan sidaa uga fogeyn isgoyska dabka iyo Isgoyska Mirinaayo si uu indhihiisa ugu soo arko howsha ciidanka iyo carrada looga qaadayo goobahaas muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska dowladda federaalka, waxaana socdaalka ku wehliyey taliyaha booliska Jeneral Cabdi Xasan Xijaar.

Waxaa sidoo kale la socday qaar ka mid ah xubnaha guddigii loo xil saaray xal ka gaarista shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka.

Rooble oo dhowaan la wareegay maamulka doorashooyinka dalka iyo amnigooda ayaa sheegay in la dhisi doono ciidan isku dhaf ah oo suga amniga doorashada, kaasi oo uu kala tashanayo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*