6th February 2023  admin  Category :

Muxuu Abiy Axmed u dhisayaa Ciidamada Badda, xagguuse ka heli rabaa saldhig badeed?

Itoobiya oo ah waddan aan lahayn wax bad ah ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku howlanaa dhismaha ciidamada badda, kuwaasoo laga leeyahay ujeeddooyin muhiim ah.

Tan iyo horraantii 1990-meeyadii, Itoobiya ma lahayn ciidamo badeed oo shaqeeya, inkastoo waddanka uu horay u lahaa awood ciidan oo dhanka badda ah.

Islamarkii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya 2018-kii, waxaa howlihii uu guda galay ka mid ahaa inuu ka shaqeeyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa cududda ciidanka badda ee waddankiisa.

Wakaaladda Wararka Fanaa ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa soo xigatay Mr Abiy oo sheegaya in dib u habeynta militariga ay tahay “in lala jaan qaadsiiyo dunida isbaddalka degdegga ah sameyneysa, sidoo kalena ku tallaabsaneysa horumarka dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda

Si ay xukuumadda Addis Ababa dib ugu yagleesho ciidankeeda badda, waxa ay u baahan tahay dalal ka caawiya dhinaca helitaanka badda oo ku yaalla gobolka geeska Afrika, sida uu qoray bogga online-ka ee Naval Post, oo ka faallooda arrimaha militariga iyo awoodda ciidamada badda.

Wararka ku saabsan in Addis Aaba ay dib u dhiseyso awoodda ciidamada badda ayaa soo shaac baxay kaddib markii Mr Abiy Axmed uu kulan la yeeshay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, oo u baddal qaaday in uu dowlad ahaan Itoobiya uga caawin doono dib u dhiska ciidanka badda.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed (bidix) iyo madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron
Qoraalka sawirka,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed (bidix) iyo madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron

2019-kii ayay Itoobiya iyo Faransiiska kala saxiixdeen heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan wadashaqeynta dhismaha ciidamada.

Waxay u muuqataa in Faransiiska uu yahay dalka waddankan ku yaalla Bariga Afrika garabka ku siinaya tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Badda.

Ujeeddada Ciidamada Badda ee Itoobiya

Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay isku dayeyso sidii ay saameyn dhanka awoodda ah ugu yeelan lahayd gobolka dhinaca bari ee Badda Cas ayna la wareegto illaalinta amniga marinnada badda ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga ee Itoobiya.

Inta badan maraakiibta badeecooyinka u wada Itoobiya ayaa adeegsada badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Bada Cas

Arrintan waxay kusoo adaday xilli gobolka ay ka jireen dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad badeedda, walow ay howlgalladooda hoos u dhaceen wixii ka dambeeyay markii ciidamo caalami ah lasoo dhoobay biyaha badweynta Hindiya.

Xaggee saldhig badeed looga helayaa Ciidamada Badda ee Itoobiya?

Wixii ka horreeyay 1990-meeyadii Itoobiya ma ahayn waddan bad la’aan ah, ciidamadeeda badduna si buuxda ayay u shaqeynayeen.

Wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ka dhacay Itoobiya sanadkii 1991-kii, Itoobiya waxay weysay xeebteeda, oo ay ku jirtay dekedda muhiimka u ahayd ee Casab, taasoo waddanka ka dhigtay mid aan bad lahayn kaddib markii ay Eritrea ku dhawaaqday madaxbannaanideeda.

Arrintaas ayaa Itoobiya ku khasabtay inay howlgallada ciidamadeeda badda u wareejiso saldhig ku yaalla waddanka Yemen.

Balse dhowr sano kaddib, 1993-kii, dowladda Yemen waxay dalkeeda kasoo ceyrisay maraakiibta ciidamada badda ee Itoobiya, sidaas awgeedna Addis Ababa waxa ay go’aansatay in ay u wareejiso dhinaca dalka Jabuuti oo ay la gashay heshiis ay kiro ku bixineyso.

Hase yeeshee, 1996-kii, Itoobiya waxay ku guul darreysatay bixinta lacagihii kirada ahaa. Taasi waxa ay keentay in Jabuuti ay la wareegto maraakiibta Ciidamada Badda Itoobiya ee harsanaa, sida uu qoray Naval Post.

Hadda, kaddib soo nooleynta ciidanka badda, Itoobiya waxay saldhig ka heli kartaa afar waddan midkood.

Eritrea iyo Jabuuti, oo ah kuwa ugu waaweyn ee la filan karo.

Kenya, oo u muuqata in ay xoogaa ka fog tahay.

Soomaaliya oo deris kala ah dhanka kale.

Khariidad

Warar la iskula dhex marayay baraha bulshadana waxay sheegayeen in Itoobiya ay daneyneyso dekedda Seylac ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyay wararkaas oo uu ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

“Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn, nin weriye ayayna ka timid markii hore”, ayuu yiri Wasiirka.

Dr Abiy Axmed markii uu xukunka qabsaday ku dadaalay inuu xulafo la sameysto dhammaan dalalka ku hareereysan.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed
Qoraalka sawirka,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

Inkastoo uu fiican yahay xiriirka xilligan ka dhaxeeya xukuumadaha Addis Ababa iyo Asmara waxaa la aaminsan yahay in uusan gaari karin ilaa heer ay Itoobiya mar kale ku tallaabsato inay ku tiirsanaato dekedaha Casab iyo Massawa ee dalka Eritrea.

Waxaa kale oo laga cabsi qabaa in dhismaha ciidamada Badda ee Itoobiya uu khatar ku noqon karo Eritrea ama ay halis u arki karto.

Diblomaasi hore oo u dhashay Itoobiya, Birhanemeskel Abebe, ayaa sheegay in istiraatiijiyadda iyo walaaca siyaasadda dhinaca amniga ee dhul ahaaneed ay sabab u noqon karto dhismaha ciidanka badda.

“Xuquuqda ay Itoobiya u leedahay inay isticmaasho biyaha caalamiga ah waxay u baahan tahay in ay yeeshaan saldhig badeed,” ayuu ku yiri wareysi uu horay u siiyay BBC-da.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Jabuuti oo keliya ay yihiin meelaha ugu habboon ee ay Itoobiya ku yeelan karto saldhig ay isticmaalaan ciidamadeeda badda. Waxaase xusid mudan in Jabuuti ay saldhigyo noocaas ah ku leeyihiin dalal kale.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*