23rd October 2024  admin  Category :

Ceeybta ka dhacday maanta baarlamaanka Puntland ayaa aheed in aysan soo xaadirin inta badan xildhibaanadii baarlamaanka ee dooran lahaa madaxweeynaha iyo madaxweeyne ku xiggeenka oo aad arkeeyso in miisaskoodii ay welli saaranyihiin biyihii iyo cabitaankii loogu tallagalay taas oo lagu soo iibiyey lacagta canshuurta ah ee laga soo qaaday hooyooyinka qoraxda wax ku iibiya.

Meesha musharixiinta madaxweenaha iyo ku xiggeenada ay inta badan isaga taggeen meesha markii ay qudbadooda dhiibteen.

Musharixiinta madaxweeyne ee qudbadaha dhageeysigooda dhameeystay ayaa kalla ahaa Jeneraal Siciid Dheere iyo Shoortaaye. Waxaa kalloo fadhiyey, mid iyo labbo ka mid ah dadkii isku soo sharaxay madaxweeyne ku xiggeenada.

Hadaba, miyeeysan aheen in shacabka Puntland tallada loo celliyo oo ay wax soo doortaan si looga maarmo xildhibaanadan tuugta ah?

Puntland waxeey u baahan tahay isbeddel dhab ah, waana ayaan darro in shacabka la horkeeno doorasho kasta intii saaqidiinta aheed iyo intii uggu tayada liidatay.

https://youtu.be/iuqR0kyRRkM

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*