19th April 2024  admin  Category :

Mustafe Godane intaadan Badhan soo aadin ma soo celin kartaa Ceekkii Afweyne iyo beertii xorriyada ee beesha Ceerigaabo isa siisay ay bililiqaystay

Mustade Godane, oo dhowaan loo magcaabay wasiirka caddaaladda maamulka SNM, ayaa waraysigii ugu horeeyey uu bixiyey ku sheegay inuu tegayo Badhan.

Mustafe, Badhani waa magaaladiisii, waana tegi karaa oo ku noolaan karaa, wuxuuna ka soo jeeda qoys aad looga yaqaan gobolka Sanaag. Tegitaanka Badhan ayaa waxa ka horeeya inuu marka hire tago Ceerigaabo

Mustafe wuxuu ku barbaaray, waxna ku bartay degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolaka Sanaag. Yaraantiisii wxuu tegi jiray Ceelka Afweyn, beerta Xoriyadda, Boostaddii ka soo hor jeeday Bakhaarkii Dawaare, Cisbitaalka iyo jidadka magaalada qaarkood oo kuwana kubadda ku ciyaari jiray kuwana uu ku lugayn jiray. Intiiba maanta ma jiraan, dhalaanka la midka ah oo waqtigan jooga fursadan ma haystaan kumana baashaali karaan, sababtoo ah waxa intiiba bililiqaystay oo iibsaday Guryana kaga gatay Turkiga Odayga maamulka SNM ugu magcaaban duqa degmada Ceerigaabo.

Hadaba intaa la gaarin booqashada Badhan soo kama horayn in laysway diiyo sababta Boh ogayslabe iyo Nuux Cumar ayana golaha degaanka degmada Ceerigaabo Xildhibaano ugu lahayn, iyo sab abta intii maamulka SNM uu jiray uu mar walba gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada uu ugu soo magcaabayaa Habar yoonis

Ugu danbayntii Mudane Mustafe Bulshada reer Ceerigaabo waxay kaaga baahan yihiin inaad u soo celiso Beerii Xoriyadda oo uu isticmaarku ka tegay iyo Boostaddii kacaanku dhisay.

ALLSANAAG. COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*