25th November 2024 admin Category :
Cabdi Caynte Ma wuxuu doonayaa qof kasta oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ee geeriyooda in uu Raisul wasaaraha Soomaliya u abtiryo.
Allah ha naxariistee magaalada Muqdisho waxa lagu dilay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magcaabi jiray Maxamed Maxamuud Sheek Cali, oo uu dhalay taliyihii hore ee ciidanka Cirka, ee ka soo jeeday beesha Cabdulle Galmaax , Wacbuudhan Abgaal , .
Isla maalintaas waxa magaalada Buuhoodle lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed oo ka shaqaynayey midnimada Soomaaliya. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii loo dilay inay ka shaqaynayaan midnimada Soomaaliya sida Allah ha u naxariistee Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) , ayaa ahaa lataliyahii Ra’isal Wasaarihii ka horeeyey Khayre. Wasiirkii hore ee qorshayntu Soomaaliya ka ma tacsiyadeen xasuqii ka dhacay Buuhoodle, hadaba soo ceeb iyo fool xumo kuma aha wasiirka , baaritaankii dilka wiilka oo aan dhamaan inuu Raisul wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyo maxaad ugu abtirin wayday Wiilka dhintay
Xasan Culusoow, Cabdi Caynte, Mahad Salaad, CabdiraxmaanCabdi Shakuur, Taabit ayaa afduub ku haysta caasimaddii Soomaaliyeed. Inata Muqdisho caasimada sii tahayna Soomaalidu waa akhrisan doontaa qoraaladan maalaa yacniga Ah iyo sawir Guri Muqdisho ku yaal lagu galay oo loogu booteenayo Siyaasi Soomaaliyeed ama maamul goboleed Soomaaliyeed.
Ilaahay ha u naxariisto wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.
Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya Ubixii dalka. 1/2— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) August 2, 2018
Mudane, anigoo qaddarin ballaaran kuu haya, wiilku magac & qoys ayuu leeyahay. Mana aheyn nin qarsoomi kara. Magiciisu waa Maxamed, waxaana dhalay Taliyaha Ciidanka Cirka dalka, Gen. Maxamud Sh. Cali (Dable Pilotte). Ixtiraamku wuxuu ku jiraa in magiciisii loogu yeero. Tixgalin. https://t.co/CYMrWHngts
— Abdi Aynte (@Aynte) August 2, 2018