Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

19th May 2025 admin
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta diyaarad gargaar ah ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Guddiga abaaraha ee Wasaaradda gargaarka oo ay oo hoggaamineysay wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Federaal Soomaaliya Shukri Maxamuud Afrax ayaa deeqdaas ka guddoomay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Alcuthman. Safiirka dalka Isutagga Imaaraadka […]

19th May 2025 admin
Guddoomiye Muuse Geelle Oo Sheegay In Aan Loo Marin Habraac Sax Ah Guddiga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiiyeen natiijada doorashada kurisga HOP86 oo la sheegay inuu shalay ku guulaystay agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo haatana ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddiga ayaa horey u joojiyey doorashada […]

19th May 2025 admin
Warbixin cusub oo ku saabsan siyaabaha ay Al-Shabaab u maalgaliyeen hubka ay soo iibsadaan ayuu daabacay machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute. Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab bil walba ay ugu yaraan 2 milyan oo dollar ay kusoo iibsadaan hub kala duwan.

19th May 2025 admin
Maxaan ka ognahay xirmooyinka shidaalka ee ku xusan heshiiska muranka badan dhaliyay? Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa labaduba sharci darro ku tilmaamay heshiis uu wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed la galay shirkad shisheeye. Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska oo khuseeya 7 xirmo oo la tuhunsan yahay inuu shidaal ku jiro uu yahay mid wax […]

19th May 2025 admin
Dooarshada lix kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka billaabatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kursiga u horreeyey ee doorashadiisa la qabtay ayaa ah kursiga HOP#086, waxaana ku tartamayay Fahad Daahir Axmed oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, horeyna usoo […]

19th May 2025 admin
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu laalay heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, iyadoo xafiiska Hantidhowrku uu wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan. Sidoo kale qoraalka Hantidhowraha dalka waxaa […]