Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

19th March 2025 admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 […]

19th March 2025 admin
Kumuu ahaa ninka ay ka billaabatay colaadda Laascaanood ee ugu dambeysay? Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka taagan colaad iyo dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka kasoo jeeda iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Xiisaddan ayaa ka billaabatay dibadbaxyo rabshado watay. Dadka deegaanka ayaa ka mudaharaadayay dilal […]

19th March 2025 admin
Madaxweyne Xasan oo ka hadlay arrimaha Laascaanood, Turkiga iyo sharciyada dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Fedreaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga. […]

19th March 2025 admin
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la qaatay Madax ka qeybgalaysa Shirka Midowga Afrika Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo magaalada Addis Ababa kaga qayb-galaya shirka Midowga Afrika, heerka wasiirrada Arrimaha Dibedda ayaan kulan doceedyo ( Sideline Meetings) la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda shirka […]

19th March 2025 admin
Dadka ku haray Laascaanood oo wajahaya xaalad adag Dadka ku haray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa shegay in cuno yaraan iyo biyo la’aan xooggan ay soo waajahaday, islamarkaana aysan heli karin meelo ay wax ka iibsadaan. Inkastoo dagaalka Laascanood uu qaboobay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, haddana waxaa laga baqayaa xaalad bani’aadannimo. Wakiilada beesha […]

19th March 2025 admin
Weriye ka tirsan BBC-da oo kaashanaya booliska ayaa la kulmay eedeysane loo xiray fal dambiyeed ku saabsan dilka xaaskiisa, kaasoo dhuumanayay muddo toban sano ah. Ninkan oo lagu magacaabo Bhimsingh Patil ayaa qirtay in uu dilay xaaskiisa uuna ku dadaalayay in aan gacanta lagu dhigin, ilaa markii dambe uu ku dhaqaaqay arrin horseedday xariggiisa. “Haddii […]