Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

6th March 2025 admin
Ciidamada amaanka Gobolka Bari ayaa soo qabtay Ragga Weerarka ugu gaystay qoys hurda gurigooda islamarkaasna handadaad iyo dhibaato u gaystay qoyskaas.

6th March 2025 admin
Guddoomiye Sheekh aadan madoobe oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda boqortooyada sacuudiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee […]

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Al-shabaab ay 54 askari ku dishay weerarkii saldhigga Buulo Mareer
6th March 2025 admin
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Al-shabaab ay 54 askari ku dishay weerarkii saldhigga Buulo Mareer Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in 54 ka tirsan ciidamada Uganda lagu dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhigii ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ATMIS ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer 26-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay. Museveni ayaa […]

6th March 2025 admin
Kim Jong-un walaashiis oo mar kale u dhaaratay Mareykanka Haweeneyda saameynta weyn leh ee la dhalatay hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa mar kale maanta wacad ku martay inay baritaareyso isku day labaad oo lagu rido dayax gacmeedka basaaska, iyadoo ka careysiisay xubnihii qeybta ka ahaa shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee […]

6th March 2025 admin
Boosaaso: 04 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso oo dhismaha ku socda uu meel wanaagsan marayo. Madaxweynaha ayaa u kuurgalay sida uu dhismaha Garoonku u socdo, qeybaha kala duwan garoonka ayuu booqday wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo Shirkada gacanta ku haysa Dhismaha Garoonka isagoo […]

6th March 2025 admin
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah Shirkan oo socon doona muddo Labo maalmood ah, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeyn doonaa Saamaynta wararka been-abuurka ay ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida, sumcadda dalka, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo xakameyn karo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn […]