Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

19th May 2025  admin  

Wasiirka Gaashaanhiga oo ku sheegay in Siyaasiyiinta Hawiye e eedeeyey edeeyey ay yihiin argagixiso. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeel Waare isaga oo ah Ergay gaar ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha xasillinta, waxa uu niyad jab ku abuuraya ciidanka Xoogga ee ku howlan la dagaallanka iyo ciribtirka Argagixisada AS, sidoo kale waxa uu […]

19th May 2025  admin  

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa caawa booqasho iyo salaan ugu tagay Shiikh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Doha ee dalka Qatar.Shiikh Cabdirashiid ayaa umadda Soomaaliyeed ugu duceeyay in Allaah Subxaanuhu Wa Tacaalaa ka dulqaado dhibaatooyinka heysta.

19th May 2025  admin  

Wiil isaga iyo qoyskiisaba Soomaaliya lagu takooray midabka maqaarkooda Cilmi Bile Maxamed oo 25 jir ah oo ka hadlayay takoorka uu kala kulmayo Soomaalida xaaladda caafimaad ee loo yaqaan Albino awgeed ayaa yiri: “Dadku waxay igu dhahaan waxaa tahay dad qalato caruurta cuna, way iga argagaxeen”. Cilmi ayaa tan iyo markii uu ka soo tagay […]

19th May 2025  admin  

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la xiray saraakiil lagu eedaynayo inay ciidanka kasoo saareen furimaha dagaalka. Madaxweynuhu ma uusan sheegin tirada saraakiisha la xiray, hase yeeshee waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono. “La isku darsanmaayo, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin la mid ma noqon doono kii iyadoo oo cadawga […]

19th May 2025  admin  

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dowladda Qatar kala hadlay inay garab ku siiso ciribtirka Khawaariijta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta […]

19th May 2025  admin  

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Dalka Qatar Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada […]