Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

28th February 2025  admin  

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee dawladda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wuxuu shalay inkiray in uu eheladiisa ka shaqo galiyey wasaaradda uu madax ka yahay & Hay’ada Taya Dhawrka, laakiin waxaan helnay xog meesha ka saaraysa sheegashada wasiirka Ganacsiga. Gaylan Media waxay ogaatay in 9 qof oo shaqaale laga dhigay dhawaan ay dhammaan yihiin ehelo-hoosaadka wasiirka […]

28th February 2025  admin  

Imaaraadka iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan ayada oo madaxweyne Erdogan uu soo geba-gebeeyey safar uu ku maray saddex dal oo ku yaalla Khaliijka. “Maanta waxaan goobjoog noqonay saxiixyada dhowr heshiis oo istaraatijiyadeed iyo is-faham oo ku kacaya lacag dhan $50.7 […]

28th February 2025  admin  

Isbarbardhiga mushaarka Askariga Soomaaliga ah iyo kan ATMIS iyo waxyaabaha kale ee ay isdheer yihiin Dhamaadka sannadka dambe waxaa ku eg muddada joogitaanka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay iyana isku diyaarinaysay inay amniga la wareegto marka askariga ugu dambeeya ee ciidanka nabad ilaalinta uu dalka ka baxo. Ciidanka ATMIS oo […]

28th February 2025  admin  

Mar haddii Madaxweynihii ehekiisa shaqaalaysiiyey oo ergaygii uu magcaabay isaguna gabadhii u dhalay uu la taliye ka dhigtay , oo wasiirkii sheegay inuu xilka u hayo Qaraabadiisa ayaa Wasiirka Haweenka iyo dhalaanka Sooaaliya iyaduna xillig adag ee haweenka iyo dhalaanka Soomaaliyeed ku jiraan waxay xaflad dhereg dhacsi ah u dhigtay gabadheeda

28th February 2025  admin  

Dhismaha London caanka ka ah ee masjidka laga dhigayo Bilyaneer reer London ah ayaa helay ogolaansho uu ugu baddalo qayb ka mid ah dhismaha caanka ah ee Trocadero ee ku yaal bartamaha magaalada London masaajid iyo xarun islaami ah. Maalqabeenka Asif Casiis oo asal ahaan aka soo jeeda Malawi, ahna56 jir, ayaa ku iibsaday dhismahan […]

28th February 2025  admin  

Muxuu kaga Jawaabay Wasiirka Caafimaad Xukuumada Fedraalka Suaalo aad ukulul oo ay weydiiyeen Guddiga Arimaha Bulshada Barlamaanka?1. Maxaase ka jira in wasaaradda Caafimaadka la shaqeeyaan lataliyaal ajaanib ah oo qaata 18kun ilaa 20kun oo dollar halka wiilka Soomaaliyeed ee wasaaradaasi kamid ah uu Rajo suge mushaar yahay ?2. yey tahay cida awooda u leh in […]