Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI
20th January 2025 admin
Ninka Talyaaniga ah ee sheegay in uu Soomaaliya carruur kusoo dilay kana baxsaday xabsiga Waxaa jira baadi goob balaaran oo ka socda gobolka Marche iyo Talyaaniga oo dhan kaas oo lagu doonayo in lagu soo qabto nin baxsad ah oo lagu magacaabo Federico Marcelli, sida uu baahisay warbaahinta qaranka ee dalkaas Rai news. 49 jirkaan […]
20th January 2025 admin
Kooxda Maareynta Sanduuqa wadajirka ah ee Soomaaliya oo yeeshay shir muhiim ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo ku-simaha ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane George Conway, ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulankii ugu horeeyay ee Kooxda Maareynta Sanduuqa […]
20th January 2025 admin
Qodobo laga soo saaray shirkii Soomaaliya iyo UK Dalka UK waxaa ka dhacay shir ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak, kuwaas oo shirkooda ka soo saaray war-murtiyeed ka kooban afar qodob. Qodobbada ugu muhiimsan waxa ka mid ah arrimaha nabad galyada, dowlad wanaagga iyo la qabsiga cimillada is […]
20th January 2025 admin
Dagaal ayaa saakay waxa uu ka dhacay Buqdharkayn, sarinta iyo Yayle. Dagaalka ayaa markii hore ku billowday qaab tuurtuur ah, balse markii danbe ayuu isku beddelay dagaal toos ah. Inta la xaqiijiyey maamulka Goboleedka Hargaysa waxa laga qabtay 25 maxaabiis ah, gawaari waaweeyn oo tikniko ah iyo qoryo badan oo fudud,waxaana daadsan meelihii lagu dagaalamay […]
20th January 2025 admin
Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Mudane Caarshe Maxamed Siciid iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Somalia Mudane Axmed Juma Al Rumaithi ayaa si rasmi ah u daahfuray wejiga koowaad ee mashruuca Koronto ka dhalinta cadceedda (Solar Power Plant) ee magaalada Boosaaso, kaasi oo ay maalgelisey Dowladda Imaaraadka.
20th January 2025 admin
UK ‘oo $100 milyan ku bixineysa’ mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaalada London sida ay sheegtay Villa Somalia. War-saxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya “ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah […]