7th September 2024  admin  Category :

Caruuskii isaga iyo walaalkiis ka yar lagu dhex dilay tukaankii ay waalidkood ka biili jireen

Baraha Bulshada waxaa tan iyo khamiistii ku baahay muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV, taas oo laga arkayo dhacdada niman budhcad ah oo tooganaya wiilal Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Dilkan oo ka dhacay xaafad ku taal duleedka magaala xeebeedka Koonfur Afrika ee Cape Town ayaa muuqaal laga arkayaa nimanka dilka geystay oo ugu yaraan mid ka mid ahi ku hubaysan yahay qoryaha darandooriga u dhaca ama kan ay Soomaalidu u taqaan aakaha.

Mid ka mid ah wiilasha, ayuu tooganayaa dableyda midkood, wiilkii oo dhaawac ah oo salka ku siqaya ayuu mid kale la dul imanayaa bastoolad kadibna wuu dhaawac tirayaa.

Dukaan

Waxaa BBC la hadlay Sheekh Xasan Xayaate oo labada wiilba ilma adeer la ah isla markaana goobta aaska ku sugnaa xilliga aan la hadlaynay.

Sida uu noo sheegay Sheekh Xasan; Yuusuf wuxuu Koonfur Afrika joogay muddo dhowr iyo toban sano ah balse Soomaaliya ayuu dib ugu laabtay isaga oo kasoo guursaday, sidaasna hadda wuxuu uga tagay xaas cusub oo ay wada noolaayeen muddom qiyaastii hal sano ah.

“Yuusuf maadaama uu dalkii dib ugu laabtay, fursaduu u helay waa soo guursaday, marka xaas ayaa jirta dhanka Soomaaliya waddankana mardhow ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Sheekh Xasan oo qeexay in uu Yuusuf Koonfur Afrika kusoo laabtay bishii Sebtembar ee sannadkan.

Maxamed ayaa isaguna joogay dalka illaa shan sano, wuxuuna yimid bilowgii 2019 kii, kamana uusan tagin wax xaas ama caruur ah.

Waxa uu sheekh Xasan ku tilmaamay; “laba wiil oo isku qoys ah oo da’da iska ag dhow oo aad u yaryar oo dhalin yaro ah, oo ah ilmo mustaqbal leh oo waalidkooda iyo bulshaduba ay ku tashanaysay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*