16th April 2024  admin  Category :

Sababtii uu shaqda uga eryey Bashiir Gurxan mid la mid ah ayuu ku kacay, Baarlamaanka Puntland maxay samayn doonaan?

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa horay xilka uga  qaaday Wasiir Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland, Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan, waxaana xilka looga qaaday warqad  ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka.

Bashiir Gurxan ayaa waqtigas  waraysi uu siiyeey Radio Daljir KU SHEEGAY inuu taageersan yahay  mowqifka DFS ee xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo dhiibista Qalbidhagax loo dhiibay dowladda Itoobiya. Wasiir Gurxan ayaa yiri, “Puntland waa ay soo dhaweysanaysaa in Qalbidhagax loo gacangaliyo Dowladda Itoobiya,”

Maanta madaxweyne ku xigenka Puntland ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay inuu soo dhowaynanyo Fargelinta qaawan iyo federaall diidka ay Villa Wardhiigleey  ku hayso maamulka Puntland iyo bulshada reer Puntland.

Mdaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu  gabay howshiisa , iyo shaqadiisa isla markaasna wuxuu dacalka  heeysta shaqada madaxweynihiisa , waana xad gudub haddalada foosha xun ee uu meel Uga dhacahayo maqaamka madaxweynaha puntland.

Ugu danbayntii haddii Wasiir Bashiir  shaqadiisa ku waayey taageeridii uu taageeray Vilaa Soomaaliya waa in sidoo kale Mudane Camey isagana Mooshin laga keenaa oo xilka laga qaadaa intaanu fariimo kale ka soo qaadin Villa Wardhiifleey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*