27th July 2024  admin  Category :

Labada Macalin  ee Maraykanka ka yimid waa kala siyaasad fiican yihiin.

Macalinka jaamacadeed ee  markii danbe noqday madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif , ayaa maamulkiisii  Khaatumo  waxa si cad  diiday inay ictiraafaan ama taageero siiyaan dawladda federaalka Soomaaliya uu hogaaminayey Xasan Culusoow. Culusoow ayaa markii danbe si qabyaaladaysan u dhisay maamulada Galmudug iyo Hir Shabeele oo labaduba  ka danbeeyey maamulka Khaatumo. Xildhibaanadii maamuladaasi waxay  ka mid yihiin kuwa soo dooranaya madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne Cali Khaliif maanta waxay ahayd isaga oo  siyaasad ahaan ka aargoosanaya Xasan Culusoow inuu Muqdisho tago oo halkaa ka bilaabo olole ka dhan ah doorashada Xasan Culusoow , Sababtoo ah qabyaalad ayuu Culusoow  ku diiday in maamulkii Khaatumo  hirgalo,  isaga oo la saftay maamulkii dalka Sioomaaliya  kala go’ynayey ee SNM . Xasan Culusoow hal maalin ma canbaarayn weeraradii joogtada ahaa ee  SNM ku hayeen maamulka  Khaatumo. Degaanada Khaatumo waxa ka jira abaar iyo biyo la’aan hal shilin ilaa maanata kama ayna  helin dawladda federaalka Soomaaliya . Xildhibaanadii Khaatumo ee federaalka iygana duhur cad ayaa  la bililiqayystay, waxaana fududeeyey Xasan Culusoow .

Cali Khaliif oo la sugayey in arimaha maamulkiisa iyo beeshiisa lagu sameeyey uu  wax ka qabto, oo ay  ahayd meesha uga haboonayd  uu arintan u tegi lahaa magaalada  Muqdisho wuxuu ka doortay inuu Hargaysa aado maalimihii ay bilaabmeen   doorashada madaxweynaha Soomaliya.

Macalinka kale ee jaamacadeed ee isaguna markii danbe noqday madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas. ka dib markii uu hal  cod kaga adkaaday  madaxweynihii hore ee Puntlamd Cabdiraxmaan  Faroole, ayaa isagu wuxuu  maray jid ka duwan kii Cali Khaliif, wuxuuna u arkay siyaasigii uu halka cod kaga adkaaday oo maanta u sharaxan madaxweye Soomaaliyeed inay khatar ku tahay joogitaankiisa Garowe. Wuxuuna bilaabay olole ka dhan ah Faroole iyo kooxdiisa Muqdisho ay isku shukaansadeen , taasina waxay   keentay in Duhur cad Sheekh Cabdiraxmaan Faroole uu gacmaha kor u taago oo ka tanaasulo Murashaxnimadiisii.

Ugu danbayntlii labadii Macalin ee kala hogaamniyey Khaatumo iyo Puntland,   waxay kala doorteen in Macalin Gaas uu maanta Muqdisho joogo una ololeenayo ninkii uu dantiisa ka arkayey  inuu madaxweyne Soomaaliya ka noqdo. Halka Macalin Cali Khaliif uu ku sugan yahay Gurigii Morgan ee Majeerteen  ee Hargaysa ku yaalay  oo ay ku sugan yihiin koox cuqdadaysan oo gurigaas Majeerteen  hoosta  ka soo xiratay 25 sano.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*