26th July 2024  admin  Category :

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland, sadex Majeerteen ah iyo hal Dishiishe ah ayaa ku tartamayey.

Xildhibaanadii Beelaha Majeerteen, Dhulbahante iyo Warsangeli waxay u wada codeeyeen Xildhibaankii Majeeteen ee u tartamayey Kursiga Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland.

Jaamac Yaasiin Jaamac, oo ka soo jeeda beesha Dishiishe ee reer Boqor ayaa la tartamayey Xildhibaano ka soo wada jeeda Beesha Majeerteen, kuwooda aan helin Kursiga Madaxweynaha Puntland, Wasiiada Qorshaynta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Amniga Puntland . Kuwooda aan helin wasiirka dawladda federaalka.

Xildhibaanada la tartamayey  xildhibaanka ka soo heeda  beesha Dishiishe ayaa waxay ka soo kala jeedeen beelaha Ismaaciil Saleebaan, Cali jibraahiil iyo Ugaar saleebaan.

Wareegii kowaad Xildhibaanka ka soo jeeda Beesha Dishiishe ee  Baarlamaanka Puntland ku leh sadex xildhibaan wuxuu helay sadexdii cod ee ay ku lahaayeen baarlamaanka   iyo sida muuqata afar ka mid ah beelaha kale ee aan Hartiga ahayn ee reer Puntland.

Xildhibaanada  beesha Majeerteen ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland marka lagu daro 26 Xildhibaan ee beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland waa  dhowr iyo koton. Waadna  garan kartaa  wadarta   66 Xildhibaan oo laga gooyey 58 Xildhiban  inta soo haraysa

Dhowr iyo sodonka Xildhibaan ee beesha Majeerteen ku leyihiin Barlamaanka Puntland  iyo 30 murashax ee u tartamaya madaxweynaha  Puntland ee ka soo wada jeeda beesha Majeerteen, waxay garan waayeen mar haddii aynu doonayno Xilka ugu sareeya Puntland, reerka aynu walaalaha nahay oo aynu wax isku darsanay Kursigan ku xigenka kowaad  aan iyaga   siino ama u dayno . Waa reer Faroole iyo Deni hor boodayaan, taladaasi waa seegtay

Ugu danbayntii arinta sare waxa ka sii daran, murashaxiintan u ordaysa hogaanka sare ee Puntland,  qaar ka mid ah oo ay  ka mid yahay Siciid Deni wuxuu aaminsan yahay in Xildhibaanada Dhulbahante iyo Warsangeli uu gadanayo  oo uu laaluush siinayo  sidaasna uu madaxweynaha Puntland  ku noqon doono . Arintan khatarteeda ayeey leedahay waa sababtii keentay dagaalkii Majayahan, Galgala iyo sababta keentay in alshabaab maanta Puntland qaybo ka mid ah  ay ku sugnaadaan. Ma kula tahay ninka maanta wax wada qaybsigii diiday in uu berito reer Puntland u caddalad fali doono marka uu ku guulaysto Hogaankeeda

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*