28th March 2024  admin  Category :

Xildhhibaan hore Cabdi jamaal oo caawa lagu xiray Hargaysa

Cabdi Jamaal Cismaan oo horay Xildhibaan uga ahaa maamulka Puntland iyo wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Puntland ayaa caawa magaalada Hargaysa lagu Xiray.

Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen Cabdi jamaal Cismaan oo caawa ku sugan guriga Wasiir ku xigeenkii hore ee SNM Sahal Maxamed, oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli ayaa waxa guriga ugu yimid nin lagu magcaabao Gameel oo isaguna ka soo jeeda beesha Warsangeli oo wata maleeshiyaad SNM.

Ninkan Warsangeli ee wata maleeshiyaadka SNM ee yimid guriga Sahal ayaa sheegay in Cabdi jamaal horay uga dhacay hub ay leeyihiin Beesha Isaaq, sidaas awgeedna uu xabsiga dhigayo.

Cabdi jamaal, wasiirkii hore iyo ninkan wareersan oo cabdi jamaal xiray ayaa ka soo wada jeeda degmada Dhahar ee gobolka Hayland.

Maamulka Dirta waqooyi ilaa hadda kama hadlin Xarigan, lamana oga inay arintan wax ka ogyihiin, sababtoo ah Cabdi Jamaal iyo Cabdiraxmaan Dhoore ayaa wada hadal horay ugu socdaym maamula SNM, kaas oo ahaa inay maamulkaas wasiiro ” TAYO LEH KA HELAAN” , lama oga inuuwada hadldaasi bur bureen

ALLSANAAG,COM ]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*