28th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Isboortiga ee Maamul goboleedyada, Wakilo ka socday maamulka Gobolka Banaadir, xubno matalayay xiriirada isboortiga dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa caawa kulan soo dhaweyn ah u sameyeey Orodyahanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdi Bile Cabdi oo Muqdisho dhowr iyo soddon sano kaddb soo gaaray.

Munsaabadan casha sharaft ah oo ujeedkeedu ahaa dhiiri gelinta iyo soo dhaweynta orodyahan Cabdi Bile ayaa waxaa ka hadlay dad taariikh ku leh isboortiga dalka, kuwaasi oo ka sheekeeyay halgankii iyo magacii uu soo hooyay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta ay Wasaaradda u sameysay, ayna dhankooda soo dhaweynayaan, si dhallinyarada ay uga faa’iideystaan qibradiisa iyo xirfadiisa isboorti.

Orodyahan Cabdi Bile Cabdi oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta loo sameeyay, ugana Mahadcelinayo Madaxda Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta kale ee kulanka soo qaban qaabiyay.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xustay in Orodyahan Cabdi Bile  laga faa’iideysan doono qibradiisa iyo waayo aragnimada uu leeyahay, waxaana ay intaa ku dartay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso horumarinta isboortiga dalka.

Orodyahan Cabdi Bile Cabdi ayaa sanadku markuu ahaa 1987dii waxa uu ka qayb galay koobka oradka Adduunka  ee masaafadiisu ahayd ( 1500m )oo markaa lagu qabanayay magalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga kaasi oo uu ku guulastay koobkaa isagoo lulaya calanka buluuga ah.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*