26th April 2024  admin  Category :

Gabaygan Xasan Xayle wuxu tiriyey Allah ha u naxariistee sanadkii 1955kii, xilli laga guurey magaalada Laasqoray, oo ay noqotay cidla, wuxuna yidhi :

Cishadaan ka degey Laasqoray cabatay dhowr jeere

Waxan idhi maxaad la cartantoo kuugu culus maanta

Waxay tiri kuwii cid iigu xigey wayga carareene

Waxay tiri cirooliyo wadaad ima ciseeyaane

Waxay tiri caruurtaan dhalay Cadan u dhooofsheene

Waxay tiri haddii lay camiro waan abaal celine

Ciidayda keliyaan malyuun cadad la siisteene

Badda ceeligeediyo marsadu waa I caawiyine

Maruun bay maraakiib camiran caasha soo dhigane

Waxay tiri caddaan iyo madow coonka waa imane

Waxay tiri kuweer cararayow ceelkii waa aniye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*