23rd October 2024  admin  Category :

Reer Puntland waa inay u codeeyaan doorshada soo socota in Garowe ay sii ahaan karto Caasimadda Puntland iyo in Kale.

Mar haddii laga guurayo nidaamkii hore ee Puntland ee 66 Xildhibaan wax dooran jireen oo loo guurayo nidaamka Dimoqraadiyadda ah ee caalamka intiisa kale isku doortaan ee xisbiyada hal Qof iyo hal Cod, soo iyaduna meesha kuma jirto in laga guuro maagaalo ay beeli gaar u sheeganayso oo aan la jaanqaadi karin maamul wanaaga iyo nidaamka Dawladeed.

Shirkii lagu dhisayey Puntland markii loo fadhiyey 1998, sababtii ugu weynayd ee Garowe caasimadda looga dhigay ayaa waxay ahayd in Koox uu Cabdiraxmaan Faroole hogaaminayey oo u badnaa Beeshiisa ay diidanaayeen in Beelaha Sanaag iyo Sool ay maamul la samaystaan Jabahddii SSDF, oo iyaguba bilo ka hor isku soo khilaafay kuna kala kacay shirkii Qardho.

Dagaalkii ugu horeey ee Puntland qaaday xilligii Allah u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa, wuxuu ahaa dagaal lagu qaaday Isbaaro uu dhigtay Maxamuud Xaaji Aadan, inta u dhaxaysa Qardho iyo Garowe. Maxamuud waxay beel ka soo wada jeedaan Faroole.

Sannadku markuu ahaa 2005 ayey ahayd markii Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga isagoo ah C/raxmaan Faroole isku qabteen Cadde Muuse oo xilligaas ahaa Madaxweynaha Puntland saxiixa Shirkad baaritaan iyo sahmin ku sameynaysa khayraadka macadinta iyo batroolka deegaannada Puntland; taasoo C/raxmaan Faroole uu ka dhex arki waayey heshiiska dano dhaqaale oo uu markaas ku qoonsaday.

Wixii xilligaasi ka dambeeyey wuxuu bilaabay inuu ka horyimaado wax walba oo danta Nugaal ah oo Dowladda doonaysay in ay ka fuliso, isagoo markii dambe ku waayey xilkii Wasiirnimo khilaaf Baarlmaanka ka dhex abuurmay Codad la doonayey in lagu ansixiyo wasiirnimadiisa, isagoo uu weheliyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha waqtigaasi, Axmed Cabdi Xaabsade.

Xanaaqii iyo ciilkii uu u qabay Baarlamaanka wuxuu sababay inuu isku dayey C/raxmaan Faroole weerar ku soo ekeysiiyo barqo cad Hoolkii Baarlamaanka ku shiri jireen oo xiligaasi ay rasaas ku fureen maleeshiyo ka amar qaadan jirtay Faroole.

Balse qasaarihii ka dhashay weerarki Faroole wuxuu noqday in rag ehelkiisa ah ay ku dhintaan, oo ciidamada Puntland difacaan Ammaanka Hoolka Baarlamaanka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Muxuyadiin Axmed Muuse, oo isaguna ka soo jeeda Gobolka Nugaal ayaa xilligii Cabdiweli Gaas , isaguna sameeyey amar diido dawladeed oo ciidankii madaxda u ahaa ee ku sugnaa Buuraha Calmadow iyo hubkiiba la soo goostay. Maalintaa waxala yiri waa gadoodey. Waa dhaqanka Garowe yaal. Ciidankii loogu talo galay la dagaalanka argagixisada wuxuu gaystay Qarxis oo ah duleedka Garowe. Maanta isagana waxa loogu abaal guday haddii uu ahaa Taliye ku xigeen Ciidanka Booliska maanta waa taliyaha ciidanka Booliiska Puntland.

Ugu danbayntii Haddii Maxamuud Xaaji Aadan, Cabdiraxmaan Faroole, Cali Xoosh, Muxyadiin Gacmey iyo Islaamka beesha Ciise Maxamuud ay dhamaantood u arkaan in Garowe gaar u leeyihiin, oo reer Puntland intooda kale marti u yihiin soo lama gaari xilli ay maagaalooyinka kale ee Puntland si sharci ah oo Dastuuri ah ay ugu tartami lahaayeen hanashada CaasimaddaPuntland . Haddii Nidaamkii 66 Xaaraan ahaa oo laga guuray , sidoo kale Caasimad beeli leedahayna ma sii noqon karto caasimad oo waxba kama duwana nidaamkii hore

ALLSANAAG.COM, NEWS@allsanaag.com

10 thoughts on “Caasimadda Puntland ha la doorto

  1. Oday

    Hadda ayaad u egtahay nin hurdada ka kacay, mida kale waxaad ilowday weerarkii Faroole iyo Muxyadiin hilible ay ku qaadeen baarlamaanka iyo gudoomiye Dhoobo, oo ay weliba yiraahdeen waxaa galay meeshaas maleeshiyo beeleed, sidoo kale waxaad ilowday weerar wiigii la soo dhaafay beesha garoowe sheegata ay ku qaadeen xarunta dawlada hoose oo inta la baryey lacagna la siiyey.
    Laakiin aan ku saxee arinta ah in garoowe caasimada puntland laga bedelo waxa ka fiican in maamulkaan qabiiliga ah gebigiisaba meesha laga saaro oo Soomaaliya lagu celiyo Gobolo iyo degmooyin dawlada dhexena la xoojiyo
    Ogow waa muhiim in maamulka beelaha majeerteen iyo kan beelaha isaaq meesha laga saaro oo Soomaaliya muwaadiniinteedu ay xaq u leeyihiin dalkooda inay xoriyad uga shaqeyataan iyadoo meesha laga saarayo dekadan iyo meeshan anagaa isla leh
    Soomaaliya wey ka kacaysaa meesha ay jabhaduhu ku rideen qabiilka ay i afduuban tahay iyo kuwa ku qaraabtana wey jabayaan mar dhow oo aan fogeyn

    Reply
  2. Oday

    Maya ma ahan hadii la yiraahdo dowlada hala xoojiyo in laga wado muqdisho hala dhiso.
    Meesh uu qof kasta oo muwaadin ah uu joogo waxay yeelanaysaa; waxbarasho ilaa heer jaamacadeed, isbitaalo wanaagsan, xafiisyadii dawlada oo dhan
    Ogsoonow aduunyadu waa isbedeshay oo wax walba waa la sahlay oo waxaa jira technology aan horey u jirin. Soomaaliya maxaa u diidan inay aduunka la jaan qaado?
    Fikirka ah maamul goboleed kan ethiopia oo kale ah waxa noo sameeyey gaalkii miles zenawi iyo daba dhilifyo weligood dhadhama jecel ah oo u adeega nacabka Soomaaliya.
    Xamar iyo Badhan iyo baydhabo ama jawhar halala saarin waa magaalooyin soomaaliyeed yaan lagugu dirin deegaamada qaarkood, fikirka qabiiliga ah waa inuu dhamaadaa oo cis kale ha eedeyne naftaada ka bilaw wanaaga
    Kooxdan maamul goboleed ku qaraabata waa gooni goosato qorshohooduna waa in Soomaaliya la waayo abid.
    Muwaadinka Soomaaliyeed iyo Soomaaliya ha jireen oo ha joogeen
    Talada ummada looma daba fadhiisanayo jaahil faroole oo kale ah oo aan xataa aqoon farqiga u dhexeeya xumaanta iyo wanaaga

    Reply
  3. Puntlander

    Bal ii sheeg markaa magaalo Dhulbahante ama Warsangeli dego oo Caasimad u noqon karta Puntland! Puntland MJ baa leh idinkuna martaa ku tihiin hal shilin oo cashuura aan ka bixin! Runta hala isu sheego.

    Reply
  4. dhasheeg

    Majeerteen iyo isaaq lama simikaro Majeerteen waa walaaleheen lakiin hankoodaa gaabtey sidii odayaashii alle hownaxariistee Abdullahi/Yusuf uGu danbeeyey waxaa soo harey jawaanlayaal marak warsengaliyow magalooti baa harey adinkuna ina calishire kadib niic baa idinka soo hartey Dhulbahante sidii owrtii saliida shiidi jirtey buu iska dabawareegayaa ilaahey jiil kheyr qaba oo qakabsii iyio siaasadii ay turjumi jereen abri alle ha kacsho likn heysku haraadina adinku; iidoor waa nin gunimo la caraya een rag inta hor istaago wax laqeysan Karin so you don’t waste your time iidoor its marauding hyenas

    Reply
  5. Oday

    Muwaadinka Soomaaliyeed qabiilkiisu waa Soomaali. Kooxaha daba jooga maamul iyo kuraas qabiilkoodu badsado ha ogaadeen mawduuca aan ka hadlayno waa Soomaaliya iyo sidee bey aduunka kula tar tami kartaa. Waxan idin xasuusinayaa mushrikiintu markii ay ka hor timid diinta waxay ku doodi jireen “xaggee dhaqankeena iyo qabiilkeena uga tagnaa” . Geesi Soomaaliyeed Allah ha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, wuxuu yiri ” haddii qaranimo la doonayo, qabiil halaga ilaaliyo” walaalayaal waxa na deeqa Soomaaliya oo horumar gaarta
    Beenta iyo huuhaada Faysal cali dhurwaa iyo kooxaha maamulka qabiilka sameeyey yaaney idin waalin, taageerida shayaadiinta shilin doonka ah shacabka yaan lagu qaldin.
    Allaah baan idinku dhaariyee xaqiiqda raaca iyo gobanimada oo qabiilka iyo ka hara dullinimada. Tusaale. Cabdiweli gaas iyo Faroole markii lagu yiri dhismaha ciidanka Soomaaliya ka soo qayb gala, waxay ku jawaabeen ” ciidankii waa dhisanyahaye lacagta hala keeno” kooxda kale ee la baxday ahlu sunna ee tuugta ah waad aragteen sida loola hadlay oo wax walba inta laga aqbalay baa ayagii wax fahma la waayey, markii laga adkaadayna waxaa soo dhoweysatay Garoowe, dadka Soomaaliyeed waa inay fahmaan qarankoodii baa lumay ee qabiilkoodu ma lumin waayo qabiilku wax jira oo itus ama i taabsii ah ma jiro, waxa kaaga marqaati ah guryaha cabdiweli gaas nairobi ka dhisanayo dee qabiilkiisu bilaash kuma degi karaan, sidoo kale xoolaha gooni goosatadu imaaraadka ku shubato oo ay ka helaan dekadaha ay xaraasheen, dee shacabka woqooyigu wax kuma laha waana hantidii ayaga laga dhacay
    Ninkii raba inuu aniga qabiil igu beer laxawsado waxba yaanu is daalin. Soomaaliya badeheeda ka ilaashata xaraashka iyo jilaafatada ayaa na deeqda. Soomaaliya hawadeeda ilaashata ayaa na deeqda
    Soomaaliya caalamka u eg ayaa na deeqda. Soomaaliya gobol degmo iyo tuulaba ay leeyihiin adeegyadii dawliga ahaa baa na deeqda. Kama dambaystii cadaalad baa na deeqda ee qabiil nama deeqo umana qalano in xuduudo gumaysi ay dalka ka jiraan. Ogaada oo u fiirsada wel welka galay maamulada qabiilka iyo kuwa hogaamiya oo umada qabiil iyo reero u kala qaybiya, gaar ahaan waxay buuq iyo jahwareer ku waasheen markii la yiri Soomaaliya deyntii baa laga cafinayaa. Bal Allah baan idinku dhaariyee hadalkii Axmed madoobe ee ahaa “Soomaaliya hawada dib ha looga qaado” maxaad ku fasiri lahaydeen garashada noocaas ah. Sidoo kale shirkii dib u tashiga puntland ee garoowe ka dhacay marka goaamadii shirka uu akhriyo shaqsi aan wax hawl ah u hayn maamulka puntland oo wasiir warfaafin leh sidee baad u aragtaan arinkaas.
    Waxa iga talo ah in dadka iyo dalka laga badbaadiyo ganacsatada siyaasadeed ee doonaaya inay ka taajiraan burburka ummada ku habsaday
    Qofkii xor ka ah caqliga waa inuu fahmaa dawladnimo iyo midnimo waa dhaxalka keliya ee loo karo dhalaanka mistaqbalka ee dalka la wareegi doona, kuwa maanta nool wixii ay ka tagaan ayaa dhaxal u ah ummada
    Madaxda qaranku ma ahan mulkiilayaasha wadanka waa shaqaale u shaqeeya shacabka sidaa u arka. Deni iyo Axmed dhuxul iyo muuse biixi waa horjoogayaal qabiil isku dan ah? Waxaana daliil u ah inay isku dan yihiin faroole oo joojiyey dagaalkii tukaraq isagoo aan u joojin masaalixda ummada Soomaaliyeed balse u joojiyey wada hadal uu la galay kooxda gooni goosatada ah ayagoo isku af gartay inay hal hadaf wada leeyihiin oo ah in qabiilba meel haysto lagana hor tago dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh.
    Kama dambays reer tolkay waxan leeyahay walaahi oo bilaahi waxa idinku jira dad badan oo geesiyaal ah oo qaranimada jecel waxaana idinka dhashay Col. Cabdulahi Yusuf, oo ahaa bud dhigihii qaranka Soomaaliyeed dadkana tusay in dulliga laga kici karo, waxa hada socdana waa dhaxalkii uu ka tegay ee yaan la dayicin.

    Reply
  6. Buraale

    @Oday waxaa kuu sheegayaa dowlada dhexe aad sheegayso inaad waxba u goyn sool iyo Sanaag bari in lagu raali geliyo beesha usaaq loona xalaaleeyo ayay taaganyihiin wax kale kuuma hayaan khayre iyo Farmaajo bil xaqiiq waa sidaas, waxa kaliya ay ka baqayaan waa madigaas majeerteen oo walaalihiis waasheen oo isagii u miyir qabay lagu diray.

    Reply
  7. Oday

    @buraale. Haddii aad tahay nin mutqif ah ama rashiid ah wax yar oo waxa aan sheegay ah baa ku geli lahaa. Waxa laga yaabaa inaad tahay wiil xoola dhaqato ah, hada ogow xoolo dhaqadku cay igama aha, ee waxan ula jeedaa waxa aan ka hadlay ma ahan wax kuu cuntama ama aad horeyba usoo aragtay, waxana u malaynayaa inaad wiil laba xiniinyood ah oo tolkiis difaaca inaad tahay
    Anigu reer tolkay iyo Soomaali inteeda kaleba waxan la rabaa inay haybtooda ilaawaan oo Qaranka, ku abtirsadaan mucaarid iyo muxaafid kii ay doonaan ha ahaadeene. Lkn nidaamka ah “wallee cadkanow ku cunay am ku ciideeyey” waqti uun baa kaaga lumaya, ummaduna ” Birabil falaq” ayey kaa gelysaa.
    Hadii qabiilkan aad sheegeyso uu jiro waxad maqli lahayd majeerteen iyo reer hebel baa islaynaya, lkn waxan had iyo jeer maqalnaa “harti iyo reer hebel baa islaynaya” marka ogaadeen xulufayaigiisa aad rabtona waad sii fogeysaa oo waxad tiraahdaa ” kablalax iyo reer hebel baa islaynaya. Maalinka aan kaa maqlo majeerteen iyo reer hebel baa is laynaya, intaan ku salaamo oo ku sunkado baan weliba “walaalkay mudanow” ku oranayaa.
    Hadda ogow Warsangeliga iyo dhulbahantaha aad tiri “dawlada ayaa Soomaalidiidka ku wareejineysa” waxan ku xasuusinayaa waad ilowdaye dhowr jeer sow maad maqal warsangeli iyo isaaq baa islaynaaya, ama dhulbahante iyo isaaq baa isleynaaya
    Hadalkan aad tiri farmaajo ayaa raba inuu warsangeli iyo dhulbahante isaaq ku wareejiyo, wuxuu ka dhiganyahay kii aad maalin dhoweyd tiri oo ahaa ” harti iyo waxaa is dilaaya cawramale” dadka intiisa badan oo caqliga saaxiibka la ahina intaadan hadlin marka aad sidii juxa, indhaha ka mirig mirig siisid bey ku fahmaan
    Kama dambaystii waxan ku oran lahaa anigu iidoor yare sida birta looga aslo waan aqaan, adiguna Sacad, iskaga filnaw oo xaalkayagu ha ahaado waraabow maalin wacan. Maxaa yeelay daarood mareexaan kaaga guur, oo kablalaxa aad hada raadineyso absame kaaga guur, oo hartinimada dhulbahante kaaga guur. Anigu habarta kaaga guuray
    Meelahaagaas iska lafa lafeyso, marna faroole leen marna deni
    Walaalayaal hakbadiina iska watta

    Reply
  8. Cawaale

    @today saaxiib sidii aad muwaadin qabiil ka sareeya noogu ahayd ayaad sheekadii kusoo gaba gabaysey waan aqaan sida reer hebel loo laayo ee adna reer hebel iska celi!!
    Waxaa taas ii dheer hadii hargaysa iyo garoowe midana deris kuu xigo midana dad kuu xigo buufis kaaga dhacay maxaad xamar ugu hayaamin? Maad midnimada deriskaaga iyo ehelkaaga ka bilowdid? Dabadeedna soomaali hormuud ugu noqotid.
    Waxaad qoreyso waxaad qarsanaysaa ka xun..

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*