27th April 2024  admin  Category :

Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre Oo Dil Qorshaysan ka Badbaaday.

Waxa Goordhowayd Dil Qorshaysan ka Badbaaday Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre oo ka Mid ah Cuqaasha Beelaha Dishiishe-Axmed Harti.

Salaadii Makhrib ka dib Waxa Caaqilka Weerar Qorshaysan Kusoo qaaday Dablay Hubaysan,kuwaas oo rasaas ku furey,iyagoona goobta ka baxsaday.

Caaqilka ayaa xiligii la weeraray ku sugnaa Afaafka Hore Ee Gurigiisa,ka dib markii uu salaada Makhrib soo tukaday.

Weerarkan Caaqilka ayaa Kusoo Beegmaya xili mudo Sadex Asbuuc ka hor ah gudaha Magaalada Bosaaso lagu diley Maareeye ku xigeenkii Shirkada Golis Marxuum C/laahi Cali Cumar,kaas oo ilaa haatan dilkiisa  Dowlada Puntland aysan ilaa hada cid u heyn Jawaabna aysan ka bixin.

Amniga Magaalada Bosaaso oo Bilooyinkii dame ahaa Mid aad u wanaagsan ayaa xiligan moodaa in uu Faraha ka baxay,bacdamaa ay kusoo badanayaan Dilal Qorshan oo ilaa haatan aan la ogeyn Cida dilalkaasi ka danbeysa,Dilalkaas oo lagu Bartilmaameedsanayo Cuqaal iyo Ganacsato Gaar Ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*