26th July 2024  admin  Category :

CAANO NINKII LISAY LA YAQAAN NINKII DOONAA HA ISKA SHEEGTO , BY Sharmaarke Jaanle

CAANO NINKII LISAY LA YAQAAN NINKII DOONAA HA ISKA SHEEGTO.Waxaan Bogaadinayaa Mashruuca HORSEED BULSHO oo ay hay,ada CARE INTERNATIONAL ka wado gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Jidkan maanta uu ka daahfuray Mayerka Degmada Badhan magaaladiisa Badhan ee xarunta gobolka Sanaag mid la mid ah ayaa laga fuliyey Degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan laakiin qolooyin aan wax shaqa ah ku lahayn oo sheegata wax kasta ayaa Dhahar degan Badhanse ma joogaan.

Waxaan uga mahad celinayaa Hayada Care iyo Dawlada Puntland wax qabadka balaaran ee ay ka wadaan Gobolada Sanaag iyo Haylaan.N&N iyo Wasaarada Qorshaynta Qaranka midna ma sheegan karto wax la wada ogyahay meelaha ay ka yimaadeen iyo cida fulinaysa laakiin sawiro waa qaadan karaan waana iska sheegan karaan sida somaliland madax banaanida u sheegato.

Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa shirkada dhismaha guryaha iyo jidadka ee jubba construction iyo ganacsade Cabdiladiif yuusuf Bare

oo ah mulkiilaha shirkadaa, waxaan bulshada gobolka sanaag usoo jeedinayaa inay si hagar la,aaneed ula shaqeeyaan JCC oo ah shirkad wax badan ka shaqaysay gobolka Bari quruxda magaalada Boosaasodna qayb weyn ku leh maantana sanaag iyo Badhan udiyaar ah inay ka shaqayso.Guul iyo Horumar.

One thought on “CAANO NINKII LISAY LA YAQAAN NINKII DOONAA HA ISKA SHEEGTO

  1. Ayub Geelle Post author

    haddii aan isku dayo in aan xogta aan ka hayo kula wadaago mashruucan horseed bulsho ay care ka wado gobolka S & H waa mid maalgalinta leedahay hayadda Somali Stability Fund isla mashruucan waxaa gobolka sool ka wada hayadda DRC.
    degaamada ka faaidaysanaya waa:
    1. buraan (waxaa loo maaligaliyey korontada)
    2. xingalool (waxaa loo maalgaliyey baalayaasha soolarta cadceeda)
    3. habarshiro oo buraan hoostagta( waxaa loo dhisay MCH)
    4. dhahar (waxaa loo dhisay waddo)
    5. baran( waxaa loo dhisay wado)
    waxaan qayb ka ahaa dadkii dabagalka ku sameenayey care in mashruucan gaarsiisay gobolka aan wakiil uga ahayn SSF.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*