8th May 2024  admin  Category :

Caabduwaaq oo lagu qisaasay ninkii dilay weriye Cabdikariin Axmed Bulxan

Magaalada Caabudwaaq waxaa maanta dil toogasho ah lagu fuliyey Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ahaa ninkii dilka u gaystay weriye Cabdikariiin Axmed Bulxan 13kii bishan.

Dilka Cabdixakiin ayaa ahaa qisaastii weriyaha, ayadoo xukunkaasna ay 26kii bishan gaartay maxkamadda gobolka Galgaduud.

Toogashada oo ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Caabudwaaq ayaa waxaa isugu soo baxay dadka degmada.

Fadhiga Maxkamadda oo dhagaysatay kiiskaas 26kii bishan ayaa ninka ku eedeysnaa dilka oo maxkamaddu u oggolaatay inuu hadal jeediyo waxaa uu si dareen leh u gudbiyey farriintan, “Cabdikariin Axmed Bulxan eeddiisa la igu soo eedeeyey, dilkiisa waa gaystay, si kas ah ayaan u gaystay, Cabdikariin Axmed Bulshan Illaahay anniga ayuu igu sababay, waxaan diyaar u ahay in dunuubtiisii layga gudo baan diyaar u ahay oo maxkamadda ka codsanayaa oo sharciga lay waafajiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Galgaduud, Sheekh Cismaan Cali Hudey, ayaa BBC-da u sheegay in labada hannaan ee wax lagu xukumo ee salka u ah caddaaladda ay yihiin qiraal uu la yimaado qofka eedeysanaha iyo in laba marqaati oo caadiliin ah ay ku oogaan, balse kiiskan eedeysanuhu isagu qirtay danbiga lagu eedeeyey.

Fagaaraha toogashadu ka dhacday

Maxaa xigaya xukunka maxkamadda?

“Xukunka la soo saaray waa qisaas, waxaana xigi doona xaqaas waajibay dadkii iska lahaa waxay door u leeyihiin saddex shay midkood, inay qofkaas qisaas ka oofsadaan, inay diyo qaataan iyo inay iska cafiyaan. Cafiska wuxuu ka suuroobaa haddii dadku wada qaangaar yihiin, haddiise meesha carruur ku jirto cafisku meesha ayuu ka baxayaa,” ayuu yiri guddoomiye Hudey oo xilligaas kala ahadlayey BBC wadooyinka furan xukunka ka dib.

“Waxaa xigaysa in dadka leh qisaasta ay soo codsadaan in qisaastii loo oofiyo, markaasna xukunkii iyo codsigoodii laysku lifaaqo oo madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug loo diro si uu oggolaansho u bixiyo in qisaastaas la fuliyo, markii uu soo ogolaadana isla markaas in la fuliyo ayey tagaysaa,” ayuu BBC-da u sheegay Sheekh Cismaan Cali Hudey, Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Galgaduud.

Mar BBC-du waydiisay guddoomiyaha maxkamadda sida ay ku timid in qofku dambigaas si fudud u qirto iyo inay jiraan wax cadaadis ah oo la saaray ayuu yiri, “Haddii cadaadis jiro maxkamada ayuu ka hor sheegi lahaa, badanaana meeshan dadka daggan waa dad qoys ah, waa ina adeerkiis afaraad weeye camal ninka uu dilay, ciidankuna cadaadis iyo faragalin kuma samayn waa uun la qabtay, wax jirdil ah, wax xumaana uu sheeganayey ma jirin, isaga ayaa doonayey si iskiis ah oo mutadawac ah in xaqaas laga oofiyo,” ayuu yiri Sheekh Cismaan.

Sidee ayuu u dhacay dilkii Bulxan?

MARXUUN BULXAN

Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa saxafi ka tirsan Telafishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ku dhacday.

Sida uu BBC da u sheegay Maxamuud Axmed Bulxan oo ah walaalka Cabdikariin, nin ay shaqo wadaag ahaayeen ayay tuhmayaan in uu rasaasta ku dhuftay, kadib muran ka dhashay dhinac shaqada.

Magaalada Cabudwaaq ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal loo gaystay dad rayid ah. Bishii aynu soo dhaafnay ee Febraayo ayaa waxaa ay koox hubaysan ku dileen gudaha magaalada hooyo ganacsi yar ku lahayd magaalada, waxaana la sheegay in ay doonayeen in ay ka dhacaan taleefan.

Inta badan dilalka ka dhaca magaaladaan ayaa ah kuwa salka ku haya aanooyinka qabiilka oo ku badan deegaankaas.

“Waxaan rajeyneynaa in uu caddaalad helo, oo dadka sida bareerka ah maalin walba u dila dadka wax galka ah ay ku waana qaataan,” ayuu yiri mid kamid ah dad deegaanka Caabduwaaq oo ka hadlay walaac uu ka qabo dilalka ka dhaca magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*