1st May 2024  admin  Category :

BUUHOODLE IYO FICIL: DHACDADII SALAADDA KHALDAN!

Nin aannu saaxiib nahay gobolka Soolna aannu ka soo wada jeedno Jaamacaddii ummaddana aannu wada dhigan jirney ayaa markuu qalin jebiyey waxa shaqo uu ka helay mashruucii beeraha Mugaabo.

Ninkaasi wuxuu ahaa nin dhallin yaro oo cilmiga beeraha bartay, dadkii shaqaalaha ahaa iyo degaankuba aad bay u jeclaayeen isna nin aad u furfuran buu ahaa.

Galabtii danbe isaga iyo rag kale oo badan oo wada qayilaya ayaa salaaddii casar soo gashay, dabadeedna ragggii baa yidhi “injineerkaa ina tujinaya maanta”iyagoo ku ixtiraamaya aqoonta. Salaaddii buu jameecaddii ku hogaamiyey saaxiibkay. Waa nin dhallinyaro ah oo murqaansan maalintii oo dhanna qorrax kululi haysay o shaqaynayey oo jooga meel qorraxdu si toos ah ugu dhacdo (equator line), qaadna ku daray. Murqaankii ayuu afartii ragcadood halkii laga rabey illaaway oo iska waday! “Subxan Allah, subxaan Allaah, Subxaan Allah ayaa dhawr jeer lagu celceliyey”, hayeeshee dheg jalaq umuu siin ee salaaddiisii ayuu iska watey.

Jameecadii way ka goosteen, isagiina salaaddiisii buu iska watey illeyn waa nin filim kale u shidan yahaye. Mar danbe ayuu hawshiisii bogtay oo malaha ilaa siddeed rakcadood uu marayo, markaasuu salaama naqsaday! Arrinta la yaabka ku noqotay waxay ahayd markuu gadaal soo eegay mise jameecadiiba cidi kama joogto hal nin oo keliya mooyee.

Ninkii baa indhahoodu isku dhaceen oo aad u cadhaysan wuxuuna ereygii ugu horreeyey oo uu ku yidhi ahaa ” war nedelyohoow nedelku dhalay haddaydaan waxba garanayn dadka salaaddooda u daa, dadkii oo dhammi waa goostay aniguna meel aan kaaga hadho ayaan garan waayaye”. Ninkani dadkii oo dhan ka hadhay ee iga tegi waayey wuxuu ahaa nin reer Buuhoodle ah!

Ninkaannu saaxiibka ahayn wuxuu yidhi maalintaa laga bilaabo waxaan go’aansaday inaanan hiil kaga hadhin qof reer Buuhoodle ah, “MA NIMANKA XITAA SALAAD KHALDAN IIGU HIILIYEY”!

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Meeshaa Buuhoodle ah ficilkaan ku jeclahay. Beri horena waan sheegaye Indho-Indhaha Buuhoodle wuu ogyahay meeshuu ka yimid iyo nimuu yahay. Kooda xero weydaartaa xitaa “ma rabaayadoobo” sida dadka qaarkii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*