28th March 2024  admin  Category :

Boqorka Urdun oo walaalkii oo uu ka shakiyey Xabsiga dhigay

Amiirkii mar ahaan jiray dhaxal sugaha taajka boqortooyada Urdun, ayaa sheegay in xabsi guri lagu soo rogay taas oo qayb ka ah qabqabashada lagu hayo dadka xukuumadda dhaliila.

Muuqaal uu BBC-da u soo mariyey qareenkiisa ayaa Amiir Xamsa Bin Xuseen, oo ay walaalo kala bah ah yihiin Boqor Cabdallah, ku eedeeyey hogaanka dalka musuqmaasuq, karti darro iyo cagojuglayn.

Arintan ayaa soo baxaysa iyada oo tiro saraakiil sar sare ah loo xidhay sida la sheegay in ay af-gembi maleegayeen.

Milatariga dalkaas ayaa markii hore beeniyey in Amiir Xamsa xabsi guri ku jiro.

Laakiin wuxuu ciidanku sheegay in la faray inuu joojiyo falalka loo adeegsan karo in lagu beegsado “nabad gelyada iyo xasiloonida” dalka.

Talaabadan ayaa sida muuqata la qaaday ka dib booqasho uu amiirku ugu tagay hogaamiyeyaal beeleed oo la sheegay inuu taageero ka soo kasbaday.

Amiir Xamsa wuu beeniyey inuu wax khalad ah falay waxaanu sheegay in aanu wax shaqo ah ku lahayn khiyaamada la maleegay.

Muxuu amiirku sheegay?

Muuqaalkan uu soo duubay Sabtidii ayuu ku yidhi “waxaa booqasho iigu yimid taliyaha ciidanka Urdun saaka oo ii sheegay in aan la ii ogolayn in aan guriga ka baxo oo aan dadka la xidhiidho ama aan la kulmo sababta oo ah kulamo aan fadhiyey ayaa lagu dhaliilay boqorka”.

Wuxuu sheegay in aan isaga qof ahaan loogu eedayn dhaleecaynta.

(Midig) Boqor Cabdallah iyo afadiisa Raaniya oo ka qayb galaya arooskii Amiir Xamsa, haweenayda dhexda ku jirtaana waa Xamse hooyadii Boqorad Nuur
Qoraalka sawirka,(Midig) Boqor Cabdallah iyo afadiisa Raaniya oo ka qayb galaya arooskii Amiir Xamsa, haweenayda dhexda ku jirtaana waa Xamse hooyadii Boqorad Nuur

Hase yeeshee isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “anigu ma ihi qofka ka masuulka ah maamulka dumay, musuqa iyo karti darrada ka jirtay maamulka dalkeena 15 ilaa 20 sano ee u dambeeyey ee hadana ka sii daraya. Anigu kama mausul ihi in shacabku kalsooni ku qabi waayaan hay’adahooda dawladda”.

“Waxay arintu gaadhay meel aan qofna awoodin inuu hadlo ama uu aragtidiisa cabiro isaga oo aan ka baqayn in la handado, la xidho ama loo hanjabo”

Xadhigga siyaasiyiinta sarsare waa ku dhif Urdun oo ah dal ay xulufo yihiin Maraykanka oo Bariga Dhexe ku yaal.

Dalkaasi wuxuu leeyahay nabad sugid adag oo awoodo dheeraad ah la siiyey tan iyo intii uu dilaacay safmarka fayraska korona, arintaas na waxa dhaliilay ururada u dooda xuquuqda aadanaha.

Masar, Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Boqor Cabdallah.

Yaa kale ee la xidhay?

Baasim Cawadallah
Qoraalka sawirka,Baasim Cawadallah

Dadka kale ee la xidhay Sabtidii waxa ka mid ah Baasim Cawadallah oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda iyo Shariif Xasan Bin Sayd oo ka mid ah qoyska boqortooyada.

Cawadallah oo ah dhaqaaleyahan wax ku soo bartay Maraykanka ayaa ahaa nin boqorka aad ugu dhow oo saamayn weyn ku lahaa dib u habaynta dhaqaale ee Urdun.

Marar badan ayay gorodda is geliyeen isaga iyo shakhsiyaadka dawladda ku xididaystay oo diidanaa qorshihiisa dib u habaynta dhaqaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*