29th March 2024  admin  Category :

All Sanaag
Friday, September 17, 2010

Qormadii  Geedka Dhamasa Hoostiisa  Jaabir xuseen Gacayte

Waxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magicii Naxaris iyo Nabad galyo (Nabi Mohamed WCS) kor kiisa ha ahaato wabacad.
Hordhac:
sida aan lawada socono magaalada bosaso waxay ahayd magaalo dhismiheeda iyo shacab keeduba kooban yahay waqtigii Dawladii Kacaanka, Magaalada Bosaso waa magaalo xeeb ah, waana magaalo xadaarada iyo ganacsiga taariikh dheer ku lahayd walaw aanay dhismin waqtiyadii Dawladihii Kacaanku Ugudan beeyay, laakiin waxay noqotay markii Dawladii Kacaanka burbur tay magaalo somali oo dhan ay uwada siman tahay hooyana unoqotay dadkii kasoo qaxay dagaaladii sokeeye ee somali halkaa dhigay maanta.
hadaba waxaan hoga tusmay nayaa 
Bosaaso yaaleh!
Reer barigaa seexday baaleh
Iyaga laysku diraayo baaleh
Cashuurta bixinaaya baaleh
Wax qabad kaqustay baaleh
Hadaba waxa is waydiin mudan Dakada bosaso maxaa loo waynay nayaa!
waxaan lawada soconaa Dekeda bosaso inay tahay Dekeda kaliya ee somali oo dhan isku dhayday inay daboosho baahidoda shaqo laguna qabaw saday, laakiin hada waxaad moodaa waynaynta Dakada bossaso oo kusoo beeg maysa waqti Caasimada Puntland Ee Garoowe laga dhisaayo Airport, Airport-ka oo aan sugaynin deeq dibada uga timaada baahidiisana aanay dabooli karin hada dakhliga kasoo baxa Cashuurta Puntland oo ay ugu badan tahay Magaalada Bosaso, waxaase is waydiin mudan Airport Garoowe ee hada la bilaabaayo, maxaa loo dhamays tiri waayay Airport Bosaso maadama ay tahay Magaalada Cashuurta ugu badan ay kasoo gasho Puntland.?
waxaanse aad ula yaabaay mar aan tagay Puntland ayaan waxaan raacay DaaloAirline waxaan kasoo raacay Dubai,Jabuuti,Hargaysa kadib Bosaso, iyadoo ay horay ujirtay MudanAirline ahaydna Dubai to Bosaso, Reer bari waxay ogaadeen nin rer bari ah inuu faa iidaayo waxay isku Dhaar sadeen inay xiraay Duulimaad kaas oo aanay raacin, Laakiin hada waxaa kusii dar samay oo ay noqo naysaa, Dubai,Jabuuti,Hargaysa,Garoowe iyo waliba gaari kiraale ah oo aad ugu yaraan Lix saac Usoo soco nayso Bosaso,
Reer Puntland-se ma waxay ku heshiiyeen inay wada dhisaan Garoowe oo kaliya,? Dakhliga wadanku uu galo Garoowe oo kaliya ? tusaale ahaan.
Maalinta Qaaxada waxaa lagu dhigaa Garoowe oo kaliya.
Maalinta ADIS-ka waxaa lagu dhigaa Garoowe oo kaliya .
Maalinta Duumada waxaa lagu dhigaa Garoowe oo kaliya.
Laakiin Reer Bosaso Maalinta Duqsiga oo kaliya maxaa loogu dhigi waayay. si uu uyaraado Duqsigu Cashuurtuna u badato Airport-ka Garoowe loogu Dhamaystiro. Inlayn kan Bosaso Maamulku Uma jeedee.
Guntii iyo gabagabadii Bosaso waa Magaalo nasiib daran, Waa Magaalo aan Mudnaan teedii helin mana jiraan Cid isu xilqaantay wax qabad keeda, Maamulkuna markuu arkay inay tahay looma oo yaan, wuxuu ku tashtay Garoowe inuu dhiso.
Waxaan ka cudur daaranayaa inaanan ugu tala galin in Garoowe la burburiyo, lakiin aan qoraalkan u qoray Bosaso oo aan mudnaan teedii helin Maamulkuna dadka degaanka aamus kooda wax uga qaban waayay.’
su’aalaha qoraalka ku jira waxaan u daynayaa Shacab waynaha Puntland.

Mahadsanidiin
Qormadii
Geedka Dhamasa Hoostiisa
Jaabir xuseen Gacayte
cityhida@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*