26th July 2024  admin  Category :

Shacabka Ku dhaqan Deegaanada Puntland oo Looga Digayo Qorshaha Siyaasadeed ee Kooxda Aaran-Jaan.

Shacabka ku dhaqan Dhamaan Gobolada Puntland Waxa Looga digayaa inay ka Feejignaadaan Faragelin Siyaasadeed ee Kooxdii Aaran Jaan ee Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole uu Hogaamiyaha u yahay ay deegaanada Puntland ay ka Bilaabeen.

Waxa Shacabka Lagu Wargelinayaa in Kooxda Aaranjaan ee Doorashadii Muqdisho Kusoo Hungoobay ay xiligan Magaalada Garoowe ka Bilaabeen Olole Amaanka Dalka Lagu Khalkhalgelinayo,kaas oo aysan xiligan Xamili karin Shacabka Taagta daran ee ku dhaqan Gobolada Puntland.

 

Olahaas ay kooxdu Magaalada Garoowe ka Bilaabeen ayaa Waxa Loo Adeegsanayaa Dadka Shacabka Ah ee Taagta daran,kuwaas oo Laga dhaadhiciyey inay Maamulka Taagta daran ee xiligan Puntland ka jira ay ka hor yimaadaan,si Kooxda Aaranjaan oo La Ogaa Xiligii ay dalka ka talinayeen dhibaatadii ay dadka iyo dalkaba gaarsiiyeen La Ogaa ay markale hogaanka dalka u qabtaan.

 

Waxa Xusid Mudan in Kooxda Aaranjaan ay Codad Kasoo duubeen Qaar ka Mid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe,sidoo kalena ay Sawiro Kasoo Qaadeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee ku dhaqan Gobolada Bay iyo Bakool iyo Weliba Xeryaha Dhabaab ee dalka Kenya,iyagoona Sawiradaasi ka dhigaya Sawiro Laga Soo qaaday Dadka Reer Guuraaga ah ee kala degan Gobolada Puntlland ee Abaartu ka jirto.

Inkasta oo aan la ankiri karin in Xaalad Abaareed iyo Mid dhaqaale xumo ay ka jirto deegaanada Puntland hadana waxa taas kasii halis badan in Kooxo Siyaasadeed ay  Duruufta Dadka Reer Puntland haysata inay Siyaasadooda iyo Qorshohooda ku Fushadaan,iyagoona ujoodkoodu yahay inay Kuraasta Sare ee dalka markale qabtaan.

Waxa Xusid Mudan in Kooxda Aaran-Jaan oo ka Koobnaa Madaxweynihii Puntland ee xiligaasi Dr.C/raxmaan Faroole iyo Shan Wasiir oo kale uu dalku Saaxiib u noqday Colaado Qabiil,Kooxda Al-Shabaab oo deegaanka Galgala Lagu Abuuray iyo Maraakiib Shisheeye oo Xeebaha Puntland Xaalufin ka Sameeyey,kuwaas oo Ogolaansho Aan Baarlamaanku ogayn Xafiiska Madaxweynaha ka Haystay.

Halkan Hoose ka Dhegayso Mid ka Mid ah Odayaasha Reer Garoowe oo Maamulka Puntland dhaliilaya,kaas oo ka mid ah Dadka Shacabka Ah ee Kooxda Aaran-Jaan ay Adeegsanayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*