26th November 2024 admin Category :
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo usoo booteeyey Puntland
Wasiirkii waxbarashada Soomaaliya Qoodax Bare oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, ayaa marka uu ka soo bootayn jiray Muqdisho ayaa bulshada reer Puntland iyo maamulkuba ayna arintaas siday ahayd uga hor tegin ama uga jawaabi jirin, ilaa markii danbe indhaha lagu wada qaaday Caruurtii reer Puntland oo laga cuna qabateeyey Shahaadadii Dugsiga sare.
Maanta Sidoo kale Gudoomiyaha Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa si Booto ah uga jawaabay codsi uu dhowaan madaxweyne deni u diray ganacsatada Puntland oo la xiriiray in aysan wax Raashin ah u rarin meel ka baxsan Puntland si loo beekhaamiyo Raashinka yaalla gudaha Puntland.
Jeyte ayaa ku hanjabay in haddii aysan Puntland ka laaban go’aankaas ay dadka Reer Hiiraan ganacsigooda la aadi doonaan dekedaha kale ee Soomaaliya islamarkaana ay joojin doonaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntlan
Jeete Dekedda Boosaaso ayuu ka hadlay, bal ha la waydiiyo dadkii lagu xasuuqay Hiiraan 1991