31st October 2024 admin Category :
2/6/2010
Magaalada Boosaso ayaa loo yaqaany “gaariwaa” Xiliyadii Dawladihii hore ee Soomaaliya oo ay kala hogaamin jireen Allah ha u naxaristee CabdiRashiid Cali Sharmarke iyo CabdiRizaaq, sababata magaca loogu bixiyey, ayaa waxay ahayd iyada oo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka fogayd, oo aan waddo laamiya lahayn, Dekadini ka shaqayn.
Degaandan oo ay ka soo jeedeen Madaxdii hore ee Soomaaliya, ayaa ahaa kuwo g’odoon ah, gawaari tegin ,haba yaratee aan lahayn wax horumar ah. Laakiinse Madaxdii markaa xolka haysay ay ku mashquulsanaayeen dano gaar ahaaneed sida kuwa maanta Puntland jooga.
Soomaalida ayaa indhaha waxay ku kal qaadeen Lixdameeyadii, Afar Nin oo ilmo Adeer ah oo isaga soo horjeeda labo labo, kuwaas oo kala ahaa CabdiRashiid Cali Sharmaarke iyo Wasiirkii Arimaha gudaha Yaasiin Nuur Xasan iyo dhinac kale oo ahaa CabdiRizaq Xaaji iyo Maxamed Abshir oo ka soo horjeeda waana arinta Siyaasiyiinta qaarkood leeyihiin waa tan keentay Dilkii Cabdirashiid iyo in uu Wadanka gacanta ku dhigo Maxamed Siyaad oo hogaaminayey Kacaankii 21 Oktoober.
Madaxda Afartan Nin oo ilmo adeerta ah waxa ka horeeyey ,Sanado ka hor markii labada Soomaali ee Koonfur iyo Waqooyi ay isku darsadeen, ayaa waxa loo waday in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Allah ha u naxariistee uu noqdo Cabdulaahi Qablan, o ka mid ahaa siyaasiyiintii ka soo jeeday waqooyiga Soomaaliya
Markii ay arintan maqleen ayaa waxa u yimid Cabdulaahi Qablan Allah ha u naxariistee Dhamaantoodba CabdiRashiid Cali Sharmaarke iyo Muuse Boqor iyaga oo Ergo Harti ah , waxayna ka codsadeen Qablan in uu ka tanaasulo Gudoomiyaha Baarlamaanka ,sidaas awgeedna ay rajo fiican ka qabaan inay noqdaan Raisawasaare ama Madaxweyne, wuuna ka yeelay arintaas Allah ha u naxariistee Qablan, inkastoo Cigaal iyo qar ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfureed ay rabeen in Qablan qabto Madaxda u sareysa Dawlada.
Beeshii 30 sano ka hor ay ku fashilantay Dawladii Soomaaliya isqab qabsigsigii ka yimid dhexdooda , ayaa waxay isugu yimaadeen shir 1997, Magaalada Qardho, ka dib bur burkii Soomaaliya ,waxaana dhacday mid la mid ah tii Lixdankii oo waxa Bilowday is qab qabsigii kaas oo ka dhexeeyey Chairmaankii iyo Taliyihii Ciidamada SSDF waa Cabdulaahi Yuusuf iyo CabdiRizaaq Xaaji, wuxuuna horseeday fashilaad iyo in lagu kala dareero Shirkii , wuxuuna sababay Khilaafkani inay Xamar tagaan oo ay kala raacaan Caydiid iyo Cali Mahd oo Sanado ka hor soo qaxiyey Muqdisho Beelaha Daarood.
Khilaafkani wuxuu saameeyey Daarood gebi ahaan ,waxaana kuu cadeenaysa saamayntan, ka dib markii beesha Hawiye ay ku heleen awood siyaado ah Shirkii Qaahira oo Masaaridu la shir timid, in Raisa Wasaaraha iyo Madaxweynahaba laga dhigaayo Qabiilka Hawiye waa Ina Caydiid iyo Cali Mahadi. Waana tan keentay in Daarood Shirkaa fashiliyaan kuwaas oo ahaa Adan Gabyow Allah ha u naxariistee Cawad Casharo iyo Cumar Xaaji, hadalkii oo Caamir Muuse oo ahaa wasiirka Arimaha Dibada Masar Xiligaas, hadana ah Xooghayaha guud ee Jaamacada Carabta ka sheegay BBCda wuxuu ahaa Cabdulaahi Yuusuf waxaan ku bedelaynaa Maxamed Abshir ,Aadn Gabyoowna waxaan ku bedelaynaa Jees. Ninka la yiraahdo Cawad Casharo ” Beentiisii uga buuxday Bangiyada waa dhamaanaysaa” sidaa waxa yiri Amar Muuse.
Arintan foosha xun oo beesha Hawiye oo Sanado ka hor Dadka soo qaxiyey,loogu abaal marinayo Madaxweyne iyo Raisa Wasaare, ayaa waxa ka xumaaday Dhamaan Bulshada Daarood gaar ahaan Harti oo Hormuud u ahaayeen Xisbiga USP ,aqoonyahankooda,Garaadadooda iyo Suldaanadooda waxaana la g’aansaday in aanay soo dhoweyn Dawlad Soomaaliyeed Xilliyadan, sidaas awgeed ay sii samaystaan Meel ay ku sugaan Dawladanimo, Dadka mahada gaarka ah leh waxa ka mid ah Maxamed Cabdi Xashi,waxaana la bilaabay shirkii Dastuurka oo lagu qabtay garoowe Feb 1997
Ugu danbayntii Siyaasiyiintii noocaa ahaa oo Degaanada ay u dhasheen loogu magac daray Dhulkii g’odoonka,hase ahaatee horu marka maanta ka jiraa uu u sameeyey Madaxweyne ka yimid Gedo,oo Beeshiisii Sade Daarood maanta Puntland ay ka doorteen Gal Mudug, ayaa waxay bilaabeen Olole ka dhan ah Beel ka mid ah Beelaha Puntland awoodna u leh inay damiso iftiinka ka jira Puntland, hase ahaatee waxaan la g’aranayn in ay cashar u qaadanayaan Taariikhda inta Soomaali Dawlad lahayd
Khaalid uurcad khaalid1970@hotmail.com