28th March 2024  admin  Category :

Lacagaha Laga Uruurshey Masaajiidka Rowdo Ee Bosaso Waxay Kala Yihiin;

_Shirkadda Isgaarsiinta Ee Golis iyo Bahwadeegteeda Xawaaladda Taaj & Salaam Bank Waxay Ku Deeqeeny $50,000 .

_Shirkadda Duulimaadyada Ee Daallo Waxay Ku Deeqday $5, 000 Sidoo kale Waxay Bilaash ka Dhigtay Tikidhada Qofkasta Oo Ugurmaya Walalaaha Masiibadii Muqdisho. _Wasiirro Ka Tirsan Puntland Waxaa Midkiiba Ku Deeqay $5,000.

_Ciidamada Puntland Ee Kala Duwan Qaar kood Oo Masaajidka Ku Sugnaa Waxay ku Deeqeen Boqolaal Dollar, Dukaannada, Shirkadaha Yaryar, Meheradleyda iyo Xattaa Kuwa Alaabada La Wareega ayaa Kumanaan Dollar u hurey Walaalaha Masiibadii Muqdisho Waxyaabaha Caawa Ugu Caniibsanaa Waxaa kamid ah; Caruur aad uyaryar Oo Masjidka Joogey Oo Midkastaa Ku deeqayey Wuxuu Karey iyagoo Leh weligayo Xamar ma Arag Balse Waxaa nataabtay Dhibaatada Walalaahayo.

Sawirka Sakariye Maxamed Isticmaar.

Gabadh Soomaaliyeed ayaa Waxay Magaalada Luuq Ee Gobolka Gedo kasoo Dirtay Lacag ay Codsatay in aan Lashaacin, Iyadoo aan Ognahay in Muqdisho udhowdahay! Dunida Meelkasta Waxaa laga Soo deeqayey Lacago weliba isla Amintan ayaa lashubayey.

Habeen Hore Waxay Guddidan Gurmadka Bosaso Ee Culimada iyo Xukuumadda ahi Shaaciyeen in ay Uruursheen $150,000 iyo Dheeraad Halka Caawana la Uruurshey Lacag Ku Dhow $200,000( Laba Boqol Oo Kun Oo Dollar).

Adigana Akhriste Wixii aad Karto Waxaad Ku Hagaajinkartaa Meelkastaa Joogto 00252906474242_Gurmadka Masiibadii Muqdisho. ALLAHU AKBAR! #GurmadQaran #GurmadBosaso #MuqdishoHagranmeyno #MajidRowda #GurmadCulimo #GurmadPuntland #MohamedSalh

 18th October 2017

$100,000 ayuu Mareykanku ku bixyey Gurmadka Qaran, Boosaaso-na labo habeen ayaa $300,000 laga ururiyey Masjid Rowda.

Sawirka Jama Deperani.

Sawirka Jama Deperani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*