26th July 2024  admin  Category :

Mashruucii ugu wanaagsanaa ee Puntland laga hirgeliyey waa Biyo xareenka ku yaal bariga Fog ee gobolka Bari. Aqoonyahankii lahaa maskaxda lagu dhisay Biyo xireenkan,   Xilkii uu Puntland ka hayey  waa iska casilay  .  Ka dib markii loo bedelay wasaarad kale uu sheegay inuuna  aqoonteeda soo baran,Waa dhaqan ku cusub Soomaalida in aad aqoontaada Bulshada wax ugu qabato, waxaadan aqoona aad ka cudur daarato. Bogcad aqoontiisii maanta kumaakun dad ah iyo malaayiin xoolo ah ayaa ku badbaaday. Halaka madaxweynaha Puntland oo isagu soo bartay Dhaqaalaha uu dalka keenay makinadaha lacagta beenta ah sameeya. Taas oo dhalisay sicir barar iyo in saboolnimaddii oo sii siyaado, Sidoo kale dhalisay faraq weyn u dhaxeeya Tijaartii iyo dan yartii

Hoos ka akhri War saxaafadeed uu soo saarey Dr. Cabdirisaaaq Bogacad.

Dr. Cabdirisaaq maxamed Bogcad

Waxaa Madxweeynaha Dawladda Puntland isku shandheeyn kooban ku sammeeyey qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud. Waxa aniga la i soo wareejiyey Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Fedraalka. Waxaan horay u ahaa Agaasimaha Guu ee Wasaaradd Deeganka, Duurjoogta iyo Dalxiiska oo aan shaqooyin muuqda oo markhaati leh ka soo qabtay. Madxweeynuhu waa ku mahadsan yahay magcaabista cusub. Dastuurka ayaa madxweeynaha siiyey xuquuqda wax ka beddelka xilalka dawladda.

Haddaba shalay oo bishu ahayd 9 April 2016 ayaan madaxweeynaha si rasmi ah emilkiisa ugu gudbiyey iscasilaadaydii jagada cusub.

  1. Waxaa sabab u ahaa iscasilaadayda arrimaha hoos ku xusan:
  2. Wax talo ah la igama weeydiin xilka cusub oo warka suuqa ayaa ka maqlay
  3. Anigu aqoon iyo xirfad uma llihi arrimaha dastuurka iyo fedraalka.
  • Shahaadayda Kowaad (B.Sc) waxay ahayd Agropastoralism (Anima Husbandry).
  • Halka shahaadayda labaad (M.Sc) ahayd culuumta daaqa (Range Management).
  • Sidoo kale shahaadadayda saddexadd (PhD) waxay ku saabsanayd maaraynta waxbarshada (Education Management).

Waxaa ka qaatay shaadooyinka labaad iyo Saddexaad Jaamcado ku yaal dalka USA.

Haddaba sidaad aragtaan ma ahi Lawyer ama Qareen ku takhusasy arrimaha Dastuurka. Ma aha ceeb in qofku yiraahdo hawshan aqoon uma lihi. Nin aan saaxiib nahay oo la yiraahdo Dr. Hussein ayaa si kaftan dhable ah ii yiri war Puntland lama yiraahdo waxaa ma aqaan. Waxaan anigu  dhahayaa waxaa ma aqaan.

Haddaba waxaa loo baahan yahay oo aan kula taliyey Madaxweeynaha in jagada Agaasimaha Guud iyo inta ka hooseeysa aqoon lagu xusho loona magacaabo meesha uu ku haboob yahay xirfad ahaan (Right man for the right position).

Waxaan halkaan mahad uga soo jeedinayaa gabdhihii iyo wiilashii igala shaqaynayey horumarinta arrimaha deegaanka, daaqa iyo xoolaha Puntland.

Ugu dambayn waxaan ballan qaadayaa anoo rayid ah sidii caadada ii ahayd inaan si shuruud la’aan ah ugu adeego dadka iyo dalka Puntland. Anigu maalin dibed ugama dhoofin Puntland. Mana haysto dhalasho ajnabi. Tan macnaheed waxa weeye heestii geeljira ee ahayd (Nin Dhalashuu kuugu dhiidhiyey nina dhuunu kuugu soo dhacay).

Mahadsanidin iyo nooli kulantay.
Dr. Abdirisak Mohamed

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*