26th April 2024  admin  Category :

Nimankii ku caan baxay bililiqada Koonfurta Soomaaliya oo dumarka tafahooda  baaran jiray, ayaa  hadda iyaga  kaalmo ka helaya maamulka Hargaysa ka jira, waxay bilaabeen  inay reer guuraagii Buurha  Calmadow   ka biliqaystaan raashinka ay haystaan ama midkii  safarka ahaa  oo u socday  degaanadaas oo ay Awrtu wadeen .

Maamulka Puntland oo dagaal kula jiray kooxdan , ayaa ilaa hadda marna  warbaahinta ka sheegin cidda hogaamisa Mooryaantan Caruurta raasinkeeda tuurta ku qaadanaysa.

1991 Muqdisho

Image result for BILILIQO

2017 Bililiqada buurta Calmadow

Taasina waxay keentay in  dadkii deganka iyo maamulkii Puntland ay wada shaqayn yeelan waayaan

Hadaan tusaale u soo qaadano,  waxa laga yaabaa inuu jiro nin degaanka u dhashay, oo dadka degaanku u haystaan inuu yahay mid iyaga ka mid ah, hase ahaatee la shaqeeya ama ka tirsan  Dadqalatooyinka. Taasi ma dhacdeen haddii maamulka Puntlad uu bulshada degaanka ama guud ahaan Shacabka Puntland  ka wacyi gelin lahaa Hogaamiyaasha Kooxdan, beelaha ay ka soo jeedaan iyo dadka ay yihiin. Bulshadu waa soo sheegi lahaayeen ninka dhibta ku haya iyo ninka la saaxiibka ah. Ganacsata taageerta kooxdan oo maanta sida  xor ah u joogta Gobolada Puntland cabsi ayaa geli lahayd oo taageeradoodu waa yaraan lahayd. Jidadaka dhaadheer oo loo soo maro Buurta Calmadow ma noqdeen sida ay maanta yihiin ee Bahalo mareenka.

Ugu danbayntii maamulka Puntland oo koodan kula  dagaalamayey Buurta calmadow, ku dhowaad tobon sano, maanta waa hayaan  sawir  dhamaystiran oo uu ka heleen sirdoonkooda iyo dadka laga soo  qabta kooxahan. Sidaas awgeed waa in uu soo bandhigaa magacyada Hogaamiyaasha kooxdan, beelaha ay ka soo jeedaan iyo dadka ugu badan oo ay ka helaan taageerada

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*