26th April 2024  admin  Category :

Maalmahan aynu soo dhaafnay  Caasimadda Puntland ee Garowe, waxa ka socday shir ay soo abaabuleen beesha Leelkase, ka dib marki  lacag badan ay beel ahaan dhexdooda  iska soo ururiyeen, si shirkani u qabsoomo.

Shirkan oo u dhaxeeyey Isimada Leelkase oo dhinac ah iyo Isimada Majeerteen iyo dawladda Puntland oo iyagana isku dhinaca ka soo wada   jeeday, ayaa  qdobada laga wada hadalayo waxa ka mid ah:

1- In beesha Leelkase Xildhibaada ay ku leeyihiin  Baarlamaanka Puntland loo kordhiyo.

2- In wasaaradda arimaha gudaha oo aysku kala  bedeli jireen labada Beelood ee Dhulbahante iyo Warsangeli  hadda wixii ka danbeeya loo magcaabao wasiir ka soo jeeda Galdogob. Haddan wax is bedelin isku shaandhaynta ugu horaysa ee golaha wasiirada Puntland ee dhowaan la sugayo in laga dhawaaqayaa ayaa lagu bilaabayaa wasiirkii ugu horeeyey ee  arimaha Gudaha ee ka soo jeeda Galdogob

3- In gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu noqdo  mid furan oo beel walba oo reer Puntland ah  u tartami karto.

.

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*