26th December 2024  admin  Category :

Khayre oo maamulka Biixi ku amaanay halgankii gobanimadoonka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo munaasabadda 26-ka June uga qeyb galay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa ugu hambalyeeyay maamulka SMM xuska 59 guurada xorriyadda Soomaaliya, gaar ahaan maalinta madax banaanida gobollladaasi ee 26-ka June.

Khayre ayaa sheegay in dhibaato siyaasadeed oo dhacday lagu kala tagay, balse aan lagu talagalin waxii gaaray Somaliland.(Isaaq)

Image may contain: 4 people

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay ka xuntahay dhibaatadii gaartay dadka dagan gobolka Waqooyi ee Soomaaliya.( Isaaq)

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaarabeyso dhibaatada gaartay walaalaha Somaliland. (Isaaq)

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaaanay shacabka iyo madaxda maamulkaasi dadaalkii ballaarnaa ee ay u galeen madaxbannanida dalka iyo midowga  koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*