
15th November 2025 admin Category :
M. Culusoow iyo beelaha Hawiye oo dabaal degaya gudoonka Khaatumo ay ku guulaysteen.
Xildhibaannada dowlad goboleedka Khaatumo ayaa maanta u dooratay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo ka soo jeeda beesha Fiqi shini ee Hawiye ee ka degta waqooyiga SoomAaliya xaafad ku taal tuulada Adhi cadeeye ee gobolka Sool
Doorashada guddoonka golaha wakiilada ee Khaatumo ayaa waxaa soo xaadidray 83 xildhibaan, waxa uuna ku guulestay Aadan 53 cod halka musharaxii kula tartamayay doorashada Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed uu helay 29 cod.
Dhamaan xildhibaanada Dhulbahante waxay codkOODA siiyeen gudoomiyaha cusub iyaga oo ku raali gelinaya madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxda Hawiye Action Group oo maamulka Khaatumo dabada ka riixaya si ay u bur buriyaan Puntland
Gudoomiyaha la doortay ayaa sadex xildhibaan ka helay Xilhibaano dhowaan lagu qaybsaday magaalada Laascaanood. Lamana garanayo sida ay tiradaa u heleen iyo degaanada ay ka soo baxeen
Isimada Khaatumo oo horay u sheegay inay la joogaan koox reer Maakhir ah oo ay Kooramka ku buuxsanayaan, tii ayaa maanta dhacday oo kooramkii ayaa lagu buuxsaday, waxayna ku guulaysteen ku xigeeno iyaga iyo beesha Madhibaan







