26th July 2024  admin  Category :

BEESHA CAALAMKA OO WALAAC XOOGGAN KA MUUJISAY DHACDOOYINKII UGU DAMBEEYAY EE SOOMAALIYA

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo halis u ah inay carqaladeeyaan guulihii amni iyo siyaasadeed ee sida dhibka leh lagu keenay, waxayna dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya.

Beesha Caalamku waxay ku boorrinaysaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan sarreynta sharciga iyo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah marka ay xallinayaan khilaafaadkooda siyaasadeed. Tani waxay u baahantahay inay ku jirto dhowridda hanaanka dimoqoraadiyadeed. Wax kasta oo ay qaadato, waa in laga fogaadaa falalka kor u qaadaya xiisad horseedaysa colaado dhalan kara.

Beesha Caalamka waxay ku boorrinaysaa madaxda Baarlamaanka iyo Laanta Fulinta inay maalmaha soo socda yeeshaan wadahadalo ku dhisan ixtiraam ayna khilaafaadkooda siyaasadeed ku xalliyaan hab nabadeed oo loo maro dastuurka.

Beesha Caalamka waxay bogaadinaysaa kooxaha iyo shakhsiyaadka ku hawlan dhexdhexaadinta xal nabadeed loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed waxayna [beesha caalamku] garab taagantahay dadaalladooda.

INTERNATIONAL COMMUNITY EXTREMELY CONCERNED BY RECENT POLITICAL DEVELOPMENTS IN SOMALIA, URGES RESPECT FOR CONSTITUTIONAL PROCESSES TO RESOLVE DIFFERENCES.

The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States are extremely concerned by recent political and security developments in Mogadishu that risk derailing hard-earned political, economic, and security achievements and tarnishing the reputation of Somalia.

The international community urges all Somali leaders and politicians to respect the rule of law and the Provisional Federal Constitution in resolving political differences. This needs to include preservation of democratic space. Activities that increase tensions leading to possible violence should be avoided at all costs.

The international community urges leaders in Parliament and the Executive to engage in respectful discussions in the coming days and to use constitutional and peaceful means to resolve political differences.

The international community commends those groups and individuals who are mediating a peaceful resolution to political differences and stands behind their efforts.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*