26th April 2024  admin  Category :

Beesha Caalamka oo soo saartay qoraal ku aadan dagaalka Guriceel

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Galmudug oo dhinac ah iyo maleeshiyada Ahlu-Sunna.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in dagaalkan uu sababayo dhibaato bani’aadaminimo iyo inuu tubta ka leexiyo hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab.

“Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan.”

Dagaalka oo socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof, waxaana ku barakacay ku dhowaad 20 kun oo qof.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*