26th April 2024  admin  Category :

Bilo ka hor ayaan soo bandhignay abuurkan maantana waa la beec geeyey

Waa Allah mahadiis nabadda ka jirta Puntland, in maanta Caruurtii ku barbaartay ay waxbarasho ka heleen degaanadooda, Waalidkoodna ay iyaguna heleen fursad ay dibadda ugu diraan oo ay aqoontooda ku sii korosadaan.

Aqoonyahanada Bartay Cilmiga beeraha noocyadiisa kala duwan, kuwa bartay farsamada beeraha lagu biyo geliyo iyo kuwa bartay bacriminta iyo abuurka dhamaantood waa reer Sanaag ,Puntland, waxayna ka faaiidaysteen nabadda ka jirta Puntland. Waxayna diyaar u yihiin inay cilmigooda uga faaiideyaan Bulshada ay nool yihiin.

Sida aad ka arki doontaan maqaalka hoose ee aan qoray tobon sano ka hor waxaan ku sheegay in caruurtan fursad la siiyo si ay dalka ugu faaiideeyaan. Wiilashan oo aan qaarkood aabayaashood aqaan maalintaas dugsi sare ayeey galeen.

Wax soo saarka beeraleyda deegaanka Durdur ee degmada Buraan oo katirsan gobolka Haylaan ayaa korortay iyadoo ay xilligaana kasoo go’een noocyo badan oo khudaar ah.

https://allsanaag.com/guriga-cagaaran/

https://www.somaliaonline.com/community/topic/29945-allsanaag-editorialthe-desertion-of-attam-begins-in-ernest/?do=findComment&comment=467886

One thought on “Beeraha Dur dur ee Cagaaran

  1. Haliye

    Alxamdulillahi ilaahay ha noo siyaadiyo nimcada uu na siiyay, waa in beeralayda degaanada Puntland ahmiyada la siiyaa oo aan lasoo dejin qudaar dhulkana laga helayo.
    Waa cilmi baaris iyo isku dheeli tir lagu sameeyaa dalagyada aad loogu isticmaalka badan yahay, sidaas oo kale waa in lagu taageero qalab iyo tababar beeralayda degaanka.
    Baarakallaahu

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*