26th April 2024  admin  Category :

Waa Guul  haddii maanta   Carabi Soomaali canbaarayeen , isuguna tagaan oo warmurtiyeed   soo wada saareen Imaaraadka iyo Baxrayn,   ka dibna ay dacwad  ka gudbiyaan Soomaalida   markii handadaadii, cabsi gelintii iyo cunaqabatayntiiba looga caal waayey madaxda Soomaaliyeed ee hadda hogaanka u haysa dalka

Labo sano ka hor ayeey ahayd markii  ay Carabi madaxda Soomaaliyeed  ku khasbayeen    inay shixnad gabdho ah oo guryaha uga shaqeeya u soo diraan, iyaga oo ka faaiidaysanaya dhibta Soomaaliya ka jirta iyo madaxda  aan damiirka lahayn ee dalka hogaaminaysay,

Bishii Janaayo ee sanadkii 2016,  ayeey ahayd markii Golaha wasiiradda  Soomaaliya ay soo saareen go’aan ay ku sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda Iran. Sabatuna ay hayd iyaga oo lagu khasbay inay ku  biiraan  dowladaha Carbeed ee garab istaaga u muujiyay dowladda Sacuudiga Carabiya oo khilaaf adag kala dhaxeeyo Iraan.

Qof  ku jira suuxdin oo qaraabadiisa iyo eheladiisa ay dul taagan yihiin, haddii la arko qofkii suuxsanaa oo xubnaha jirkiisa dhaq dhaqaajinaya, ehelkiisii  dul taagnaa Sariirta uu saran yahay bukaanku   waa ku farxaan bilowgan wanaagsan ee caafimaadkiisa. Maanta Soomaali oo magaceeda lagu lamaanin jiray xumaan iyo ceebayn  oo dhan, Carabtuna ay shacabkooda marka ay u digayaan   ku oran jiriin ma Soomaali oo kale ayaad doonaysaa inaad noqtaan.

Maanta,  Madaxda Soomaaliya maaha kuwa shalay ee aan damiirka lahayn ee Carabtu waydiisanayeen gabdho Soomaaliyeed oo  guryaha uga shaqeeya, Madaxada Soomaaliyeed ee maanta joogta in lagu canbaareeyo u shaqaynta dalkooda iyo inay diidaan in garoonka Aadan Cabdale Cismaan ee magaalada nadaxda Soomaaliya ee Muqdisho lagu maamulo,  waa soo dhowaynaynaa canbaarayntaa,   waxaana sugaynaa canbaarayn badan oo ay Carabi Soomaali ku soo gamaan ilaa awood kale ma laha haddii Soomaali mid tahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*