26th December 2024 admin Category :
Waa Guul haddii maanta Carabi Soomaali canbaarayeen , isuguna tagaan oo warmurtiyeed soo wada saareen Imaaraadka iyo Baxrayn, ka dibna ay dacwad ka gudbiyaan Soomaalida markii handadaadii, cabsi gelintii iyo cunaqabatayntiiba looga caal waayey madaxda Soomaaliyeed ee hadda hogaanka u haysa dalka
Labo sano ka hor ayeey ahayd markii ay Carabi madaxda Soomaaliyeed ku khasbayeen inay shixnad gabdho ah oo guryaha uga shaqeeya u soo diraan, iyaga oo ka faaiidaysanaya dhibta Soomaaliya ka jirta iyo madaxda aan damiirka lahayn ee dalka hogaaminaysay,
Bishii Janaayo ee sanadkii 2016, ayeey ahayd markii Golaha wasiiradda Soomaaliya ay soo saareen go’aan ay ku sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda Iran. Sabatuna ay hayd iyaga oo lagu khasbay inay ku biiraan dowladaha Carbeed ee garab istaaga u muujiyay dowladda Sacuudiga Carabiya oo khilaaf adag kala dhaxeeyo Iraan.
Qof ku jira suuxdin oo qaraabadiisa iyo eheladiisa ay dul taagan yihiin, haddii la arko qofkii suuxsanaa oo xubnaha jirkiisa dhaq dhaqaajinaya, ehelkiisii dul taagnaa Sariirta uu saran yahay bukaanku waa ku farxaan bilowgan wanaagsan ee caafimaadkiisa. Maanta Soomaali oo magaceeda lagu lamaanin jiray xumaan iyo ceebayn oo dhan, Carabtuna ay shacabkooda marka ay u digayaan ku oran jiriin ma Soomaali oo kale ayaad doonaysaa inaad noqtaan.
Maanta, Madaxda Soomaaliya maaha kuwa shalay ee aan damiirka lahayn ee Carabtu waydiisanayeen gabdho Soomaaliyeed oo guryaha uga shaqeeya, Madaxada Soomaaliyeed ee maanta joogta in lagu canbaareeyo u shaqaynta dalkooda iyo inay diidaan in garoonka Aadan Cabdale Cismaan ee magaalada nadaxda Soomaaliya ee Muqdisho lagu maamulo, waa soo dhowaynaynaa canbaarayntaa, waxaana sugaynaa canbaarayn badan oo ay Carabi Soomaali ku soo gamaan ilaa awood kale ma laha haddii Soomaali mid tahay