27th July 2024  admin  Category :

Been abuur lagu sameeyey Wasiirka Waxbarashada iyo Wasaaradda Waxbarashada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maalmahaan laga faafinayey warar been abuur ah oo ay ka dambeeyaan kooxo ujeedooyin gaar ah leh, oo ka soo horjeeda is-bedelladii lagu diirsaday ee uu ka sameeyey waaxyaha wasaaradda.

Wasiirka ayaa markii la magacaabay wuxuu durba billaabay inuu is-beddel sal iyo baar ah ku sameeyo Wasaaradda Waxbarashada, taasoo ahayd shaqadii loo igmaday oo ay u xilsaartay Dowladda Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada oo ka koobnayd 18 waaxood ayuu wasiirku ka soo reebay 10 waaxood, si loo tayeeyo maamulka waxbarashada dalka, oo aysan xadka uga bixin. Waaxyaha ayaa loo xulay dad lagu soo xulay aqoon, karti iyo hufnaan.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa iyadu haatan ah midda ugu shaqada badan wasaaradaha dowladda. Laba maalin ka hor ayay ahayd markii wasaaraddu ay dalka Suudaan u dirtay arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay imtixaan loo galay deeq waxbarasho. Hooyooyinkii ardaydaas ayaa telefishinnada laga daawaday iyagoo u duceynaya madaxda dowladda, isla markaana sheegaya inaan wasaaradda waxbarashadu aysan hal shillin ka qaadin carruurtooda.

Haddaba dadka ceebeynaya Wasiirka Waxbarashada ayaa ah kuwii sida musuqmaasuqa ah ku joogay wasaaradda muddada dheer ee laga qaaday xilalkii ay isaga fadhiyeen. Mabda’a ay ku shaqeyso dowladda Nolol iyo Nabad ayaa ah in la dhiso wasaarado u shaqeeya si casri ah oo la jaanqaada caalamka. Wasiirka Waxbarashada ayaa ku mahadsan sida aqoonta iyo kartida leh ee uu uga soo dhalaalay howshiisa.

Xasan Cali Xasan
Muqdisho Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*