27th July 2024  admin  Category :

Askarigii Somaliya diidka ka soo goostay oo dawladda Soomaaliya diiday inay xitaa Bustaha uu dhaxanta ka huwado siiyaan, ayaa maanta hubaynaysa Beelaha Galmudug iyaga oo ku shrrgaya ciidan QARAN

Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug maamulka Gamudug ayaa sheegaya in ay gaareen Doonyo siday Hub fara badan, kuwaas oo laga raray magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayana hubkaan ayey dowladda Federaalka ugu tala gashay inay ku hubayso Ciidan far badan oo ay ururinaysay bilahii la soo dhaafay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhowr Doonyood oo hub fara badan siday laga dejiyay Xeebta Hobyo, isla markaana gawaari kuwa xamuulka ah lagu daadgureeyay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in hubkan la geeyay Hobyo lagu howlgelinayo Ciidamada xoogga dalka, iyadoo bilihii la soo dhaafay dowladda Federaalka ay ciidamo iyo hub dhanka hawada ay ku daabuleysay waxayna hubkaas iyo boqolaal askari ka dejisay magaalada Dhuusamaree

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*